“Doorashadu Xiligeedi Ayay Ku Qabsoomaysa Wax Ka Bedel-mayaana Ma Jiraan”. Madaxweynaha Somaliland.

(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa sheegay in doorashooyinka soo socda ee dalka ka qabsoomi doona, ay xilligooda ku dhacayaan, isla markaana aanay jirin wax iska bedelaaya wakhtigooda, sidaana wuxuu ka sheegay Garoonka Diyaaradaha Hargaysa oo uu Saxaafadda ugu waramaayay. Madaxweynaha oo la waydiiyay su’aal ahayd, in Xisbiyada Mucaaridku sheegaan in aanay Xukuumaddu doorashada wakhtigeedi ku qabanayn, wuxuu kaga jawaabay.

unnamed (14)

“Doorashadu wakhtigeedi ayay qabsoomaysaa wax ka bedel-mayaana ma jiraan”. Madaxweynaha oo sidoo kale la waydiiyay mawqifka Xukuumaddiisa ee shirka Denmark lagu qabanaayo, wuxuu ku jawaabay. “Mawqif kayagu waxaa weeye haddii aan si gooniya naloo casuumin oo aan Somaliland, gaar loo marti qaadin kama qayb galayno, mawqifku wakaas, Somaliland kalama qayb galayso Soomaaliya haddii lagu dhex tuurayo”.

Madaxweyne Axmed Silaanyo oo sidoo kale ka jawaabay dhaliisha Mucaaridku u soo jeediyaan dhismaha wadooyinka wuxuu yidhi. “Waxaan u arkaa cida ka xun dhismayaasha wadooyinka, cid ka dhimanaysa oo ka ba-aysa wixii wanaagsan ee la qabto”.

Khadar Xasan Aadan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

Email: khadar2424@gmail.com