Dhimashada Dofaarka Duurjogta Ah Ee Dalka Maraykanka Oo Kor U Kacday.

(SLT-America)-Tirada doofaarada duurjooga ah ee ku nool dalka Maraykanka ayaa sanadkasta geeriyooda iyada oo sababtu ay tahay daryeel la’aan ama sababo dhinaca deegaanka ay ku noolyihiin ah ayaa aad u kordhay.

Khasaaraha lacageed ee ku lamaan dhimashada ama ka faaiideysi la’aanta doofaarka ay cuno ahaanta u adeegsadaan in badan oo ka mid ah dadka ku nool Maraykanka ayaa lagu qiyaasay in uu kor u dhaafayo $1.5Bilyan.

Gobolka Louisiana ayaa ka mid ah gobolada ugu waaweyn ee dhibaatadani ay ka taagantahay iyada oo in ka badan 500,000 oo ka mid ah xayawaankan aan war loo haynin xaaladohooda daryeel, iyada oo qaar badan oo ka mid ah la aaminsanyahay in ay u safreen goobo fog fog ama dalalka kale ee Maraykanka xuduudaha la wadaaga.

 

 

t1port.pigs.gi

Xayawaankan doofaarka ee laga dhaqdo maraykanka iyo kuwa duurjoogta ah ayaa miisaankooda lagu qiyaasaa 400lbs marka ay caafimaadka qabaan, waxaana ay awood u leeyihiin in ay ku tarmaan deegaan kasta hadii aaney jirin waxyaabaha keena dhimashada xayawaankan oo ay ka mid yihiin xayawaanada waaweyn ee cuna,cayayaanka iyo masaska.

Sidoo kale khasaaraha xayawaankan doofaarku uu u geysto deegaanka , gaar ahaan beeraha ayaa waxaa cabasho ka muujiyay in badan oo ka mid ah beeraleyda ku dhaqan dalka Maraykanka, sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in uu xayawaankani keeno cuduro farabadan kuwaas oo ku dhaca noocyada duurjoogta ah ee xayawaanka doofaarka.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com