Doodii Seddex Musharax Ee Tv Yada Xalay Madaxweyne Nimadii Waxaa Ku Guulaystay Cabdiraxmaan Cirro.

Aad iyo aad bay u mahadsanyihiin dhalinyaradii, TV yadii, Gudida doorashooyinka,tijaartii,suxufiyiintii iyo dhammaan dadkii suurto geliyey inay doodan si toosa iyo si duubanba loo daawado oo la kala arko wixii jiray iyo waxa wadanka ka soconaya iyo waxa dhici doona ee soo socda.


Waxaa hibaala mujtamaca reer somaliland in badani u bislaantay huruumarinta reer somaliland in badanina in hungurigu ka xoogroonaaday laakiin doodani marka hore waxay ku soo beegantay in ay aad u kala duwanyihiin una kala horuumarsan yihiin Somalia(wadanka walaalaheen ee jaarka ah) oo ku dhex jira qaraxii Soobe ka dhacay iyo Somaliland oo seddexdii musharax oo itaaxaan foolka-foola su’aalihiisii lagu gannayo sida leebka.

Labaad wadan inta ay kala horeeyaan baa halkaa ka cad.

Doodani waxay daaqad inaga tustay seddexda musharax xaalkooda ay ku sugan yihiin iyo taariikhdooda ay ku suntan yihiin oo kala cad. Mid walbana su’aalaha ku haboon ee la weydiin karaa marka la dhegeystay hadaladoodii siday Xukuumadda soo socota u maamuli karayaan iyadoo mid walba raadkiisii hore iyo raadka maanta uu ku taagan yahay la arko iyo sida ficilkiisa sharaacayada Somaliland maanta yaala la og yahay.

Horta Faysal Ali Waraabe aynu nidhaahno waa aaasaasihii xusbiga ucid oo xagga cimri ahaan ka ugu jiritaan ka dheer. Markaa Faysal jawaabaa siduu doono ha u yidhaahdee qalbiga caafimaadka qaba ee ummadda reer Somaliland waxaa horyaal FAYSALOW LAGA SOO BILAABO XUSBIGA BILAWGIISII HALKUU KOR U SOCON LAHAA HOOS UUN BUU U SOCDAA WELI ,MAXKAMADNA MA KALA DHAMMAATAAN , SABABTAA AWGEED INAA SOMALILAND MADAXWEYNE KA NOQOTO WAAD KU FASHILANTAY ADIGU.

MUSE BIIXI WUXUU SHEEGAY INUU DAWLAD WAX HORUU MARISA DHISI DOONO TAN SIILAANYO FULINTEEDA QAYB LIBAAX KA YAHAY OO LABADA MUSHARAX (power)AANAY LAHAYN ASN LEEYAHAY OO DHEERSHAY INTAA. WUXUU HADALADIISII KU QOTOMIYEY INAAN CADDAALADDA KA SHAQAYNDOONO NINA XOOLO AANUU LAHAYN QAADAN DOONO OO CID WALBA AMMAAN HELAYSO. ISAGA LAABAHA UMMADDA REER SOMALILAND WAXAA KU DAABACANTAY OO LEEYIHIIN ‘WAAR MUUSAW HADDAAD HORTA RUN SHEEGAYSID WAXA AANAD LAHAYN EE GURIHII DADKII LAHAA KUGU HAYSTO MAANTA U CELI QOF WALBA AQALKIIISA IYO JAGADIISA, KUWA UMMADDU WADA LEEDAHAY EE BEERSHA LEH ,DHULALKA SHACABKA LEH U CELI UMMADDA WAXEEDA MARKAA DADKA KALA DHEH CELIYA WIXII AYDAAN LAHAYN, HADDAAD SHEEGTAY INAAD FULINTA DAWLADDA QAYB LIBAAX KA TAHAY MAANTA OO LA HUBO INAY DISTOOR JEBIN TAHAY ARINTAAS MAXAAD LABA QOYS BAA DAWLADAN WADA LEH U LEEDAHAY.

CABDIRAXMAAN CIRO ISAGU TAARIIKHDIISA WAA CADDAAN ,BAARLAMAANKA SAAXIL ISAGAA U DAD BATAY , 12 SANO AYUU GUDOOMIYE BAARLAMAAN AHAA OO ISKU HAYEY MOOSHIN QUUTAYAAL BADAN, XISBIGA WADANI BUU BILAABAY HALKUU MARAYO WAA LA ARKAA WAXAA CAD IN SOMALILAND NA HORUUMAR IYO ICTIRAAF U KEENAYO SANNADKA U HOREEYA GUDIHIISA.

MARKAA DOODI WAXAA KA SOO BAXAY IN MADAXWEYNENIMADII UU CABDIRAXMAAN CIRRO KU GUULAYSTSY

MBASHE(meerkat)
qoranebashe@gmail.com