Donald Trump Oo Warbaahinta Dalkiisa Ka Diiday In Laga Dhigo Shakhsiyada Ugu Saamaynta Badan Adduunka Sanadkan

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Mr Donald Trump oo ah shakhsiyad saamayn badan ku leh siyaasadda dunida muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxa uu shaaciyay inuu qaar ka mid ah warbaahinta dalkiisa uu ka diiday codsi usoo gudbiyeen, gaar ahaan Majalada Time ee ka soo baxda dalkaasi kadib markii uu ka wallaacay in uu noqon doono qofka ugu saamaynta badan dunida sanadkani.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in majalada Time ay la soo hadleen isla markaana ay u sheegeen inay rabaan inay ka dhigaan shaksiyada ugu saamaynta badan dunida, balse uu ka diiday, qoraalka uu shaaciyay ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Majalada Time ayaa ila soo hadashay waxaanay ii sheegayeen in laga yaabo in aan noqdo shaksiyada sanadka sidii sanadkii hore, laakiin waxa waajib ah in aan ogolaado arrintaasi oo kulan la ila yeesho, kaasi oo ah mid aan ogolahay”, waxa kale oo intaasi ku daray “In laga yaabo in aan noqdo shakhsiyadaasi waxa igu filan ma aha waanan diiday”.
Dhinaca kale, Majalada Time ee toddobaadlaha ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay soo dhigtay qoraal ay qoraalkaasi Madaxwayne Trump kaga jawaabayso waxaanu qoraalka ay majaladu baahisay u dhignaa sida tan “Madaxweynuhu waxa uu ku qaldamay qaabka aanu u doorano shakhsiyada sanadka, Time kama hadasho qofka ay dooratay ka hor maalinta 6 bisha December oo ah maalinta aanu shaacino shakhsiyadaasi”.
Majalada Time ayaa sanad walba soo bandhigta qofka ay u aragto inuu yahay shakhsiyada ugu saamaynta badan sanad kasta, waxaanay sanadkii hore u doortay Trump inuu ahaa shakhsiyadii ugu saamaynta badnayd Dunida kadib markii uu ku guuleystay madaxtinmada dalkaasi.