Diyaarad Ruushku Leeyahay Oo Siday Rakaab Gaadhaya 224-qof Oo Ku Bur-burtay Gacanka Sinai Ee Dalka Masar

(SLT-Qahira)Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo siday illaa 200 ruux rakaab ah ayaa ku bur burtay Gacanka Sinai ee dalka Masar.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Masar ayaa xaqiijiyay bur burka diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus A-321, taasoo ka kacday magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar, kuna sii jeeday magaalada St Petersbug ee dalka Masar. Bur burka diyaaradaha ayaa laga helay agagaarka Hassana, waxaana halkaas laga qaaday Meydad badan, sida uu sheegay sarkaal goobta ka ag dhow.

diyarad-170x114

Waxaa laga cabsi qabaa in dhamaan 200 oo ka mid ahaa rakaabkii diyaarada inay geeriyoodeen, inkastoo wararka ku saabsan ay yihiin kuwo xadidan. Diyaaradan ayaa laga waayay raadaarka, markii ay hawada ku sii jirtay 9,500m sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Masar. Rakaabka saarnaa diyaarada oo u badnaa dalxiisayaal ayaa dhamaantood ka soo jeeday dalka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amaray in lagu sameeyay baaritaan rasmi ah bur burka diyaarada, waxaana uu u diray koox gurmad ka qeyb qaadata. Gawaarida gurmadka deg dega ayaa loo diray halka diyaarada ku bur burtay oo ah bartamaha gacanka Sinai.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.