Diyaarad Cusub Oo Aan Daaqado Lahayn Oo Ikhtiraaceedu Socdo.

(SLT-England)-Shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay sawirada diyaarado aan lahayn wax daaqado ah oo ay dooneyso in la adeegsado mustaqbalka, diyaaradan oo si ka duwan diyaaradaha daaqadaha leh dadku ay awood u yeelan doonaan in ay si caadi ah u arkaan meelaha ay diyaaradu marayso, iyada oo sidoo kale ay dadku arki doonaan muuqaalo ay ka daawan karaan kuraastooda.

CPI oo fadhigeedu yahay bariga gobolka England ee dalka Ingiriiska waxa ay aaminsantahay fikrada ah in diyaaradaha aan lahayn daaqaduhu ay ka wanaagsanyihiin kuwa kale iyaga oo ku duuli doona shidaal ka yar ka ay adeegsadaan diyaaradaha wakhtigan shaqeeya.

Waxay kaloo shirkadu intaasi ku dartay iyada oo la eegayo lacagta ku baxda shidaalka diyaaradaha caynkan ah ay ka fududaan doonaan kuwa kale.

Gudaha diyaarada waxaa ku xidhnaan doona muraayado aad khafiif u ah oo gebi ahaanba ku dahaadhnaan doona diyaarada , kuwaas oo sahlaya in dadku ay si fiican wax uga arki karaan dibada diyaarada.

unnamed

 

Waxa kale oo diyaaradaha noocan ah sida la sheegay ay yeelan doonaan laydh gudaha laga shidi doono xiliga maalintii ah iyo mid la shidi doono xiliga habeenkii ah ee uu shaacu madoobaado xiliga diyaaraduhu ay ku jiraan safarada dhaadheer.

Shirkad wax naqshadeysa oo fadhigeedu yahay dalka Faransiiska ayaa iyadu markii ugu horeysay hindistay diyaarad aan daaqad lahayn bishii Ogoosto ee sanadkan.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday