Diyaarad Cuslaatay Oo Dadkii Saarnaa Ay Isaga Degeen.

(SLT-Spain)-Tiro ka mid ah rakaab saarnaa diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Easyjet oo ku socotay dalka Spain ayaa codsaday in ay isaga degaan diyaarada ka hor inta aaney diyaaradu bilaabin duulimaadkeeda.

Go’aankan ayaa la gaadhay ka dib markii ay dadkani ogaadeen in cimiladu xuntahay ka hor inta aaney diyaaradu ka kicitimin London iyada oo ku sii jeeday Malaga.

 

unnamed

Dadka diyaarada isaga hadhay ayaa la siiyay lacag dhan £250 oo magdhow ah, waxaa la aaminsanyahay in 10 qof ay ka degeen diyaarada.

Dhacdo tan la mid ah ayaa dhacday bishii Juun ka dib markii diyaarada Easyjet la ogaaday in uu culeyska diyaaradu uu gaadhay 200kg.

Shirkada diyaaradaha ee Easyjet Afhayeen u hadlay waxa uu sheegay in culeyska saarnaa diyaarada aanuu wax waxyeelo ah soo gaadhsiinkareynin diyaarada.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday