Dimuqaradiyiintii ugu horreeyey ee Africa: Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdrisaaq X. Xuseen (WQ: Umayma Good)

Ayaandarooyinkii ugu weynaa ee Afrika wajahdey gumeysigii ka dib waxa ka mid ah  in dalal badani markii ay gobannimada qaateen ay gacanta dib ugu galeen kaligood taliyeyaal, oo xukun jacaylsigu waxa uu noqdey dhaqan ay madaxdii Afrika dhamaan yeeshaan.  Taasina keentay in Afrikaan badani u arkaan in hoggaanka siyaasadda uu yahay mid sidiisaba noocaas ah, daraasaddaha ugu badan ee qaaradda laga qoraana ay noqdaan hogaanka kalitalisnimo iyo masiibadda laga dhaxley.

Ustaad Cabdi I. Samatar, oo ah barre sare,  ahna hormuudka Kulliyadda Juquraafiga, Deegaanka iyo Bulshadda ee Jaamcadda Minisoota ee dalka Mareykanka. ayaa ah dadka aad ka ugu hawlan daraasadda Afrika iyo Soomaliya, dhawaana daabacey buugga uu kaga hadleyo hormuudkii dimuqraadiyadda Afrika oo ah Soomaali. Isaga oo dareensan in qoridda buuganni ay muhiim u tahay labo arrimood ba,  kow, hanaankii dimuqraadiyaddeed ee ay hirgaliyeen hogaamiyayashii Soomaliyeed ee dawladdi Aadan Cabdulle ma jiro mid la mid ah qaraadada Afrika, taasina waxa ay dhalineysaa dood ka duwan daraasaddaha laga sameeyo hogaanka qaraadda iyo dimuqraadiyadda, madaama ay daraasaddaha laga sameyaa qaraadu ay u badan yihiin wax ka qorista xukunka kalistalisnimadda. Laba, buuggu waxa uu cadeynaaya in siyaasiyiinta Somaaliyeed ee maantu ay tahay ina cashiro ka bartaan hanaankii maamulnnimo ee labadda hogaamiyeyaal, oo ay tahay inay ku dabiibaan timaadada iyo mustaqbalka siyaasadda maanta ee Somaaliya.

Qoraagu waxa uu u arkaa in masiibadda ugu weyn ee haysta guud ahaan Afrika, gaar ahaana Soomaliya, ay tahay maalmul xumo iyo dawladda xumo. Dhibaatooyin badan oo qaaradda maanta haystana ay xal u tahay in la helo hogaan karti leh iyo dawladd wanaagsan. Taa waxa la mid ah, in dimuqraadiyaddu hirgasho waxa  lagama maarmaan ah in uu jiro maamul saxsan iyo dawladd toosan. Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirisaaq X. Xuseen waxa ay ku sifoobeen maamul wanaag  karti u leh hirgalinta hanaanka dimuqraadiyadeed; dhawrista rabitaanka dadka iyo u hogaansananta dastuurka iyo shuruucda dalka. Taasina tahay dabeecada ay kaga duwanaayeen hogaamiyaayasha dhigoodda ee Afrika gumeysigii ka dib.

Noloshii Caruurnimo ee Hormuudka Dimuqraadiyadda Afrika

Qoraagu waxa uu labadda cutub ee xiga si balaadhan kaga hadlayaa noloshii labadda hogaamiye. Waxa aad isku shabaha noloshoodii caruurnimo  iyo duruufihii kala duwanaa ee ay kusoo barbaareen iyo sida togan ee uu mid waliba wax uga bartay noloshii adkeyd iyo kartidda ay yeesheen markii danbe, isaga oo aaminsan in noloshii adkeyd ee caruurnimo ay qaabeysay oo saameyn weyn  ku lahayd qofnimadoodii danbe.

Adan Cabdulle Cismaan, Agoonkii noqdey madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaliya gobannimadii ka dib. Aadan waxa uu ku dhashay miyi ka mid ah gobolka Hiiraan, waxa uu ahaa wiilka kaliya ee ay dhaleen waalidkiisu balse nasiib daro waxa uu barbaarey isaga oo agoon ah, waxa uu yaraan ku waayey hooyaddii, mudo yar ka dibna waxa uu Libaax dhaawacey Aabihii, ma jirin wax hanti ah oo u ka dhaxley waalidkii taasina waxa ay ku kaliftey ina uu da’a yar shaqo ku bilaabo. Dadaalkiisii badanaa, hamigiisii sare  iyo inay dad wanaagsan ka ag dhawaayeen waxa ay suuro galisay inuu ka gudubo noloshii adkeyd oo uu abuuro kalsoonidda uu naftiisa iyo reerkiisa ku maareyn karo, oo uu kaga maarmi karo kaalmadda dadka kale. Sidoo kale, Aadan inuu  dhalinyaranimadiisi la kulmey gumeysigii, gardaradii Talyaaniga, tacaddigii iyo cadaaladd daradii oo uu inbadan u soo joogey, waxay ku abuurtey cuqdad, waxa uu korey isaga oo ay ku weyn tahay  ina lala dagaalamo gumeysiga oo umaddu hesho cadaaladd, taasina waxa ay u horseeday inuu yeesho  karti uu ku hogaamiyo umadda markii uu xukunka dalka qabtey, isaga oo aaminsanaa in laga maarmeyo siyaasadda reernimo haddii ujeedku yahay in danta guud ee dadka laga shaqeeyo.

Cabdirisaaq X. Xuseen, Ra’iisul- wasaarihii labadd ee dawladdii Cabdulle.  Cabdirasaaq isagu dhanka kale, waxa uu ku dhashay duleedka miyiga Gobolka Nugaal. Waxa uu ka dhashay qoys balaadhan tiro ahaan, muddo markii uu geella jiri jirey ayaa Aabihii u diray dugsi quraan. Waxa saameyntii ugu weynayd ku yeeshay Cabdirasaaq macalinkiisa Quraanka oo mar kasta weydiin jirey ardeyda maxa tahay sababta Muslimiintu ay u dib ugu dhaceen oo ay qayrkood uga horumareen ? Jawaab u raadinta su’aashan iyo u soo joogistiisa gumeystayaashii kala duwaanaa – Ingiriiska, Talyaaniga iyo Itoobiya- ayaa waxa ay sal u tahay waddaniyadda iyo qarannima u doodka uu la korey. Waxa uu yaraan ku bilaabey inuu kasoo tago reerihii oo magaaladda nolol ka bilaabo. Waxa soo wajahdey duruufo badan iyo xalaado adag ba.  Waxayna u horseeday inuu yeesho karti iyo waayo aragnimo balaadhan oo uu kula soo dhaqmey gumeystayaashii kala duwanaa, kana bartey in dhisidda dastuur qarannimo ka balaadhan tahay xeer  dhaqan oo u baahan tahay dajinta hanaan siyaasaddeed oo danta umadda loogu adeego.

Shakhsiyadda labadda hogaamiye iyo nolosha iskorisnimo ee ay ku soo barbaareen waxa ay u horseeday ina ay door weyn ka qaataan Ururkii Halgankii Gobonimodoonka (SYL), siyaasaddii dalka iyo dhisidii qaranka Soomaaliyeed gumeysiga ka dib iyo dedaalkii mideyntai ummadda Somaaliyeed.

Qarannimaddi iyo dhiskii Dawladda

Soomaliya xiligii gobannimadda, inay xorryad qaadatey waxa u dheeraa midowgii labo  ka mid ah shanta Somaaliyeed, sidaa darteedna waxa dawladii markaa la yegleelay hortaaley hawl badan, oo ay ugu horeyso dhisidda qaranka  iyo hirgalinta dastuur caddaaliya oo sal adag u noqda midowga cusub ee labadda gobo lee Somaliyeed. Tobonkii sano ee u horeeyay gumeysigii  ka dib, waxa dawladdu aad ugu mashquulsanyd dhisidda qaranka. Aadan Cabdulle waxa uu aad ugu heelanaa dhisida dawalad dimuqraaddi ah, waxaana ka go’nayd in dadka isaga igmadey uu ka shaqeeyo dantooda. Waxa ka mid ahaa dardaarankiisi, “ Si aan u hirgalino oo aan u adkeyno dimuqraadiyadda qarankeena waa ina aan dhamaanteen (maamul iiyo shacab) aan ixtiraamnaa oo aan u hogaansanaa shuruucda iyo dastuurka aan inagu dajinsaney”. Afartii sanno ee ugu horeysay waxa  soo wajahay dawaladdii xilligaa qalalaaso badan, waxa jirey isku dhacayo badan oo u dheexaya siyaasiyiinta dantoodda fushaneya iyo kuwa danta ummadda u dirirayey. Waxa sidoo kale jirtya guullo ay dawladdu gaadhey oo ay ka mid ahayd   ina la fuliyo  doorashadda baarlamanka oo ahayd tii ugu xalaalsaneyd ee abid Soomaaliya laga qabto,  iyadda oo dawladu isla markaa xalaad adag iyo dagaalo kula jirta Itoobiya.  Waxa sidoo kale awood laheyd maxkamadda sare oo hoggaamiye dawaladdeed  iyo muraacidba loo sinnaa sharciga.

Ka dib doorashadii xisbiyadda, waxa isla markiiba la bilaabey dhisidda dawladd cusub, iyada oo la wada sugayay cidda uu madaxweyne Aadan Cabdulle uu u dooran doono ra’iisal wasarihiisa. Aadan waxa uu magacaabey Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, isaga oo aad ugu riyaaqsanaa  muddadii koobaneyd ee uu Cabdirasaaq ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xilligaa hawsha ugu weyn ee hortaaley aheyd adkeynta midowga labadda Soomaliyeed. Cabdirasaaq waxa horyaaley hawlo aad culus; sal u dhiga dawlad wanaagsan, dejinta shaqaalaha dawladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo inta boobeysa hantidda qaranka. Ustaad Samater waxa uu buugga ku qireyaa in Cabdirasaaq uu ahaa hogaamiye fiican, oo leh karti iyo hufnaan uu kaga gudbi karo caqabadaha hortaagan si uu u yagleelo dawlad ka hufan musuqmaasuq.

Sida buugga ku qoran, Soomaliya ma soo marin niddaam dawladdnimo oo ka wanaagsan dawladdii ay hogaaminayeen Aadan Cabdulle iyo ra’iisal wasarihiisii Cabdirasaaq X. Xuseen. Waxa uu daliishanayaa warbixino badan oo kala duwan oo lagu amaaneyo hawlkarnimadii, xilkasnimadii iyo maamul-wanaagii labadda hogaamiye, iyaga oo ay ku weynayd masuuliyadda ay dadku u dhiibteen. Dhaqanka ay labadda hogaamiye lahaayeen waxa dhif aan hore loo arag ka dhigeya waa inay aad iskaga dhawri jireen inuu damac ka galo hantidda ummadda iyo qaranku lahaa, waanay yar tahay siyaasiyiin Somaaliyeed ama Afrikaan ah oo aan hantidda ummadda aan ku fushan dantooda gaarka ah.

Todobba sanno ka dib oo uu Aadan Cabdulle ahaa madaxweyne, 10 kii Juun 1967, ayaa waxa timid doorashadii madaxtinimadda, waxa cod lagaga guuleystey Aadan oo uu ka guuleystay tartamihisii Cabdurashiid Cali Sharmaake. Waxa uu Adan u wareejiyey xilkii si nabad galyo ah, waana markii ugu horeeysay ee madaxweyne Afrikaan ahi doorasho xor ah lagaga guuleysto oo uu si nabad ah xilka u wareejiyo. Waxa bogaadiyey arrintaa madaxweynihii Saambiya Kenneth Kaunda, mar uu Soomaaliya soo booqdey oo hal fadhi kula casheeyay labaddii madaxweyne ee Aadan Cabdulle, Madaxweynihii hore, iyo Cabdurashiid Cali, Madaxweynihii la doortey.  Dabcan waxa ay aheyd arrin ilaa imika ay dhif tahay in lagu arko qaaradda Afrika.

Gabogabo, waxa aan ognahay in haddii aad adigu ka sheekayn weydo badhaadhahaaga in qof kale sida uu rabo isagu uga waramo waayahaaga. Taas waxa la mid ah, haddii aad adigu taarikhdaadda qori weydo in qof kale u qoro sida isaga ay la noqoto. Ustaad Samater mar la weydiiyey sababta ku kaliftey inuu sameeyo daraasadda wakhtiga badan ka qaadatey, waxa uu kaga jawaabey, in taariikhdan mudan in wax laga qoro ay ku dulmaneyd cilmibaadhayaasha daraaseeya Afrika, oo badankoodu ku mashquuley wax ka qorista ba’a Afrika iyo dhibta ay kalitaliyaayshu ku hayaan qaaradda. Taas waxa ka dhigan in buuggu abuurayo rajo ah in ummadda Somaaliyeed  badhaadhe gaadhi karto haddii la helo hoggaan dimuqraaddiya iyo dawaladd qumman. Waxase jirta iyanna in la fahmo  in ummadi dimuqraadiyad qaadato iyo inay noqoto dimuqraadi ay kala duwan tahay. Midda hore way fududahay, oo way dhacdaa ina la helo hogaamiye xilka iska wareejiya, balse in la noqdo qaran dimuqraadi ah ayaa ah hiigsi dheer oo ay gaadhistiisu u baahan tahay waqti iyo hawlo badan iyo in dadku bartaan inay karti ku xushaan cidda ay  taladda u dhiibanayaan.

Alla Mahadleh

Umayma Good

umaymagd@gmail.com