Diiwaanka Qaranka: Dal aan diiwaan qaran lahayn waa geed aan caleen lahayn (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Qoraalkani waxa uu ku socdaa dhammaan Xisbiyada u tartamaya hoggaanka dalka Somaliland. Waxa aynu ku dhegabarjawnay, taageero Xisbi iyo mid Xisbiga kale taageersan oo aflagaaddo iyo cay doonaya in uu wax ku toosiyo. Waxa yaraaday dadka intii talo wax ku ool ah ka geysan lahaa Xisbiyada, kuna dhiirrigelin lahaa dhanka hoggaanka hufan ee hagaagsan. Waxa safka hore inoo galay dadka intii ugu indhaha adkayd oo Xisbi kastaba shaashadaha Tvda  inoo soo fadhiistay. Inta badan arki maysid cid ka hadlaysa arrin iyo waxqabad ee waxa taa beddelkeedii noqday hebel oo u jawaabaya hebel kale. Waxa la inooga baahanyahay in aynu aragti hufan la nimaadno oo haba kala duwanaato aragtidu, balse looga jeedo horumar iyo wax toosin.

 

Hordhacaa ka dib, aan u galo ujeedadayda qoraalka oo ah talo aan hubo in loo baahanyahay. Ciddii ku dhaqaaqdaana ay taariikhdu sheegi doonto. Waari mayside war wanaagsan ha kaa hadho ayaa ay taladani gundhig uga dhigaysaa qoraalkan. Maaha arrin maanta igu dhashay ee waa talo cid ku dhaqaaqda aan u waayey loona baahnaa, maantana loo baahanyahay berrina loo baahanyahay. Adduunyada waxa ka jira dalal iyo bulshooyin ku hoos nool. Dal keliya ayaa laga yaabaa in ay ku nool yihiin 10 bulsho oo kala Ab iyo Isir ah. Dal kastaa waxa uu leeyahay taariikh u gaar ah, buslho kastaana waxa ay leedahay taariikh u gaar ah. Taariikhdaas oo ku taxan diinta, dhaqanka, deegaanka iyo isbeddellada soo maray bulshadaas. Nasiib wanaag innaga dalkeenna waxa ku nool bulsho keliya oo wadaagta dhaqan, diin iyo taariikh.

Nolosha oo dhan ayaa ah geeddi, aynu aamminsannahay in geeddi lagu yahay Aakhiro oo laga tegi doono Dunida. Jiil kastaana waxa uu ka dhaxlaa dadkii ka horreeyey waaya-aragnimo iyo aqoontii ay uga tegeen. Haddii aan la kaydin waxyaabahaas oo aan lagu kaydin goobo la ogyahay, oo aanay ku jirin gacan ka warhaysa, habaysa, hore u sii marisa, waa ay lumaan. Waxa aynu ognahay in dadka soomaalidu aanay lahayn kaydka noocaas ah, in aanay taariikhdoodu urursanayn, in aan dhaqankoodu kaydsanayn, in aan waxbaba meel u oollin. Markasta oo la dhiso dawladda Somaliland waxa la dhisaa hay’ado farabadan oo lagu sheego kuwo Qaran. Marnaba lama dhisin Hay’adda Diiwaanka Qaranka Somaliland oo ah mid loo baahanyahay.

Waxa laga yaabaa in aan laguba baraarugsanayn baahida Hay’adda Diiwaanka Qaranka. Waxa lagu kala hormaray sidii loo kala urursan lahaa warbixinaha ku jira ama ku qarsoon bulshooyinka kala duwan, gaar ahaan marka aad bulshadaada barato taariikhdeedii fogayd, dhaqankeedii, qalabkeedii, isbeddelladeedii, fankeedii, haldoorkeedii ayaad urursan kartaa kuwa kalena si aad wax uga barato. Laakiin haddaanaad taadiiba hayn, oo aad u raadsanayso meel kale, sida Maktbadaha Maraykanka iyo UK, ee aanaad adigu waxba gacanta ugu haysan, ma raadsan kartid cidkale waxeeda, kamana faa’iidaysan kartid. Tusaale yar oo kooban, haddii maanta la weydiiyo Dawladda Somaliland in ay hayso heshiiskii dhexmaray Somaliland Protectorate iyo Uk, kii asalka ahaa. Ma kula tahay in ay hayso?, ilama aha.  Tusaale kale, haddii la yidhaahdo ardayda jaamacadaha dhigta baadhitaan ku sameeyaa taariikhda Somaliland ama dhaqanka soomaalida, halkee ayey u raadsanayaan? Ma jirto meel cayiman oo ay wax dhammaystiran oo habaysan oo la isku hallayn karo yaallaan.

Halkan hoose ka eeg dhawr Diiwaan Qaran oo dalal kala duwan ay leeyihiin, baadhitaan ku samee, xilligii ay bilaabeen in ay samaystaan Daiiwaanka Qaranka.

https://www.archives.gov/dc-metro/washington

https://www.archives.gov/

http://www.nationalarchives.gov.uk/

http://nationalarchives.nic.in/

Diiwaannadaa Qaramada leh waa USA, India iyo UK. Bal aan eegno Afrika iyo ilmaadeeradeen, qaaraddeenna Afrika in ay Diiwaan Qaran leeyhiin.

http://www.nala.gov.et/

https://fmic.gov.ng/about-us/departments/national-archives/

Haa, dalal badan oo Afrikaan ah ayaa leh, haba kala duwanaato qaabka ay u samaysteen, oo la xidhiidha dhismaha dawladeed. Sidaasaa dal walba u leeyahay, Diiwaanka Qaranka. Innaga waxa la sameeyay hay’ado farabadan oo lagu daray miisaaniyadda dalka oo aan hubo in aanay waxba soo kordhin. Waxaanay hay’adahahaasi la burburaan marka xukuumaddaasi dhacdo ama wakhtigeedii dhammaado. Xataa xukuumaddaa dhacday ama dawladaha soo maray Somaliland si habaysan uguma jiraan Diiwaanka Qaranka ee meelo kala duwan ayey ku kala filiqsanyihiin. Waxa aynu ognahay, in wasaarad kastaaba ay leedahay qayb kaydka ah, shirkad kastaana waxa ay leedahay meel ay wax ku kaydsato. Waxaad qiyaastaa dal dhan oo aan lahayn diiwaan uu wax ku kaydsado. Waxa uu la mid yahay qof qaawan oo aan dhar xidhnayn ama geed aan caleen lahayn oo qallalan.

Xisbiyada Qaranku waxa ay u baahanayihii Diiwaanka Qaranka in la geliyo oo taariikhdooda loo kaydiyo dalka. Buuggii qorshada Kulmiye ee ilaa 2022 ka kuma arag meel lagaga hadlayo ama tibaaxaysa in dalku u baahanyahay DIIWAANKA QARANKA SOMLILAND. Xisbiyada kale toonna kuma arag hadalhaynta Hay’adda Diiwaanka Qaranka. Waa lagama maarmaan in dalku yeesho Hay’adda Diiwaanka Qaranka. Habka loo maamulayo, waa in uu hoos tagaa Qaranka, oo aanuu noqon wax kolba ay baabi’iso xukuumadda markaa jirtaa. Waa Hay’ad Qaran oo in la sii habeeyo mooyaane aanay ahayn in marna la dhiso marna la dumiyo. Waa Baahi joogto ah, oo aan dalna ka maarmi karin sida aanay shirkadda qof leeyahayba uga maarmin in ay diiwaan u samayso shirkadda.

Waa ay jiraan goobo kala duwan oo wax lagu kaydiyo sida Jaamacadaha, Maktabadaha, Wasaaradaha, Ururada aan dawliga ahayn, laakiin Diiwaanka Qaranku waxaaba wuu ka weyn yahay kana ballaadhan yahay, oo waa goobtii kulminaysay waxaasoo dhan. Diwaanka Qaranku kuma eka oo keliya Caasimadda ee gobolada oo dhan ayaa u baahan laamo laga hirgeliyo ilaa degmooyinka.

Waxaan qoraalkan ku soo afjarayaa, tusaale kooban oo ku tusaya marka aanuu jirin diiwaan la raaco oo dal leeyahay. Sannadkii 2003 ayaan soo saaray buug aan u bixiyey ( Somaliland, Xorriyaddii Lixdankii iyo Xilligii ka horreeyey). Buuggaas waxa aan waayey buugaag kale oo aan raadraac ku sameeyo, waxa aan ka fursan waayey in aan maktabadaha  Saancaddaalaha, ka raadsado wixii aan ka heli karo. Waxa aan waayey 33 xildhibaan ee Baarlamaankii Somaliland. Ugu danbayntii waxa aan helay nuqul wargeyska Jamhuuriya ah oo la qoray 1997kii, oo uu qoray IHN,tee Siciid Cali Giir.

Heshiiskii Somaliland la gashay dawladdii Ingiriiska 26 Juun 1960kii waxa aan ka helay maktabadda wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkan Iswidhan. Tusaale kale, waxa aan dhegaystay iyadoo 26 Juun laga warramayo taariikhdii Somaliland, oo weliba dad xogogaal ahi ay ka warramayeen, qaldaadka magacyada, xilliyada ee goobta Madaxtooyada Somaliland horteeda laga sheegay, waa wax aad loola yaabo. Waxaasina waxa weeye, meel wax innoo yaallaan oo la raaco ayaan jirin. Waxa innoogu dhow Boqoradda Ingiriiska in la soo weydiiyo. Nin aanu saaxiib nahay ayaa iiga sheekeeyey mar uu raadinayey taariikh nin haldoorka Somaliland ahaa oo Q-19-aad noolaa, ayaa odayaashii uu taariikhda ku tuhmayey ku yidhaahdeen, “Wallaahi ninkaa taariikhdiisa malaa boqoradda Ingiriiska ayaa laga soo heli lahaa”-— miyaanay ahayn daciifnimo tii ugu sarraysay. Innagoo maanta kala joogna dacallada adduunka oo heli karna waxkasta oo aynu u baahanno.

Haddii aad nasiib u hesho hoggaanka dalka, ku darso in aad yagleesho Diiwaanka Qaranka, adiguna aad sidaa ku gasho Diiwaanka Qaranku leeyahay.

Nabad iyo Caano

Sayid-Axmed Dhegey

30 Sep 2017, sabti