Dibadbaxyo Rabshada Wata Oo Ka Dhacay Waddanka Giriiga Iyo Sababta

(SLT-Athens)-Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Giriiga ayaa u suntan dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday kumanaan ruux oo Jimcihii isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Athens.

Dadkan ayaa ka careysnaa qodob sharci ah oo gunti-isku-giijin dhinaca dhaqaalaha oo ay dowladda rabto in ay dowlada soo saarto Isniinta.
Booliska ayaa qaaca ilmada keena ku tuuray dibadbaxayaal aanan badneyn oo isku dayay in ay galaan aqalka baarlamaanka. Ma jirin wax dhaawac ah oo laga soo wariyay dhacdadaasi.

Gunti-isku-giijinatan cusub ee dhinaca dhaqaalaha ah ee keenay dibadbaxyada ayaa yareyn doonto xuquuqda shaqaalaha ay u leeyihiin in ay mudaaharaadaan.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office