Dhibaatooyinka Ka Haysta Dadka Ku Nool Magaalada Hargeisa Taawarada Ka Taagan Xaafadaha Dhexdooda Kuwaas Aan U Wanaagsanayn Caafimaad Ahaan.

Dadka ku nool xaafadaha kale duwan ee maagalada hargeisa oo dhibaato wayni ka haysto taawarada ka taagan xaafadaha dhexdooda oo aan u wanaagsanayn caafimaad ahaan.

Taawaradu waxay soo daayaan wax la yidhaahdo Radio Waves oo la dagaalama Dumarka, Caruurta iyo Raga.

 

15801394_1185977141522810_1171528313_n

  1. Dumarka waxa ay kala dagaalamaan xaga Macdanta oo xanuun ku keenaan ilaa uu aakhirka iskubadalo

Sidoo kale waxa uu dumarka uurka leh wakhtiga ay gaadhaan xiliga Dhasha waxay dhalaan  Caruuraan caadi ahayn sida: Ilmo aan laxaadkiisii u dhamystirnayn, Ilmo aan lahayn diirkeenan sare ee inaga celiya Qabawga kulaylka i.w.m.

2.Caruurta waxa ay kala dagaalamaan xaga Koritaanka oo aan ilmuhu wax koritaan ah samaynayn (Hagaas).

  1. Raga waxaay kala dagaalamaan xaga Taranka Madhalays.

Shaqadan waxa iskalahaa;

  • Wasaarada Boosaha iyo is Gaadhsiinta taas oo Gabtay kana Gaabisay hawshii ay u haysay Qaranka iyo Dadkaba waxay ahayd in ay Gaar uga saarto Taawarada Magaalada dhexdooda ka taagan oo ay gayso Cidhifyada magaalada.

  • Wasaarada Caafimaadka oo ay ahayd in ay soo saarto Qoraal iyo Cadaymo ay ku xaqiijinayso in ay Taawarada Magaalada dhexdeeda ka taagan halis u yihiin Caafimaadka Dadka.

Dhamaan  Xaafadaha ay ku dhexyaalaan Taawaradaasi oo ay ugu Horayso Xaafadayadu, Caruur iyo Ciroolaba waxaanu u sheegaynaa in ay ka hadlaan oo ay diidaan Taawaradaas kuwaas Caafimaadkooda iyo Cududoodaba halis galinaya.

Muwaadin;Badbaadi Naftaada iyo Nafaha Umadaada.

W/Q: Mustafe Cabdillaahi Cumar (Casoowe)

Hargeysa-Somaliland