Dhibaatooyin saameeyay dhallinta wakhtigan

 

Waynu garan karnaa wax kasta , Aniggu waxa aan aminsanahay in aanay Shayna dhicin sabbab la,aan, Balse haddii aynu si dhab ah u fiirno dhibaatoyinkan waynu Garran karnaa xaqiiqa kasta oo jira, waynu Garran karnaa wax kasta oo sameeya dhalinyarada, waana laga hortagi karra, lakiin uma canan karno maxay u dhaceen, Dhalinyardu waa jawharda wadan leeyahay, kuna faano kun tababushaysto sidii uu u badbadin lahaa, markasta iyo goor kasta, Innaga oo mid mid u eegayna qayb ka mid ah.

ssii

1)    Qabyaaladda. Run ahantii waa muruggo in la arko, dad cilmi leh oo ku sifoobay qabyaalad, kaasana ugu xun, hadase wa wax inoo caado ah, meel kasta oo uu tago wiilka dhamaystay majaraysha waxbarsho, Waxa isla markiiba ku qufulan qabilkaga ayaad wax ka helaysaa, waa run o horraa loo yidhi ruux aad cawiso ka kugu dhaw ayaa kaa muddan xaq wax sintiisa, nafaqayntisa iyo ka warhayntiisab, haaddana waa aynu dhaafinay xadkii uu lahaa qabiilku, waxa loo yeelay sifooyin kale, waana masiibo innagu habsatay, lawada garanayo la iskina indha tirayo, qof walba waa uu ku shegayaa in ay tahay wax xun balse waxa uu kugu jawabayaa maxaynu ka qabban karnaa.   Waxa sababy Ayaan odhan karra dadka markaa haya tallada goobta ay ku nool yihiin dhalintaasi, kol haday gaadhay in xataa amminsiisay in aanad shaqo ka heli Karin kaad isku qabiilka tihiin moyaane ku kal, waa masiibo baahsan, Waxaan qabaa in lagga bixi karro, qabyaaladu waxay isu badali kartaa saxiib kaas ayaa ka waynaan doona qabiilka, waan aminsanahay annigu arinkaa, waxa kale oo lagaga bixi karaa, Hogaamiy ay ka dhab tahay wadaninimadu, kaas oo u yeeli karra sifo kale una dhigi kara qaab aan hoore looga barran, isaga oo iska illalinya in uu yidhaa waan asayaa, Qabyaaldu waa dhibatoyinka saameyay dhalinyarada wakhtiggan, hase ahatee waaa laga badbadi karra.

2)    Siyaasadda. Siyasaddu waxay qayb mug leh ka qaadatay dhibaatoyinka sameyay dhalinyarada wakhtiggan, waxa jirta wakhtiggan danbe in aanay dhalinyardu is waydin ayaa tahay, sidaasna ay ku saxiiban mudo dhan oo ay ku suggan yihiin heerarka waxbarasho, balse marka ay soo gasho wakhtiyada doorashooyinku ay u kala saftaan ashkhaasta iska soo sharaxad, qabiilkooda sidaas oo ay ku ogadaan ruux walba qabiilka uu yahay ama kasoo jeedo, iyo waliba is bahaysiga magaaloyinka dhexdooda ka jira, is urursiga ku dhisan heer qabyaladeed, waa affo samaysay dhalinyarada wakhtigan, waase lagga bixi karaa Ayaan aminsanahay, hadii ay dawladkasta oo u Talisa wakhtigga, ay la timaado wacyi gallin baladhan oo ku sabsan, ka hortagga ku salysan siyaasigga qabyaladaysan.

 

3)    Shaqo la,aanta baahsan. Ma jirto Ayaan amisanahay shaqo la,aane waxa sabba Ayaan qabaa Qabyalada, iyo Siyasadda waayo nin walba oo ka tirsan dawladu waxa uu shaqo galinayaa, ruxii usoo codeeyay, amaba kay isku qabiilka yihiin, kana doorbidayaa ruxii kale sidaas ayaa sababaysa in ay qabyaladiina yeelato wajiyo badan, waa affo qaran waana lagga badbadi karaa hadii ay madaxada u tallisa goob kasta oo lagu noolyahay, ay la yimadan, wacyi gallin iyo in la sameyo dugsiyo farsamo gacmeed.

 

4)    Qalisannanta guurka. Guurka oo qaliyoobaa waa dhibaatoyinka haysta umadda maanta, waana ta sababtay in ay yaradaan guurku, abbo kasta waxa ku waajib ah in uu fududeeyo guurka, waayo dhibaato wayn ayay ku noqonaysa dhalinta maanta, gabdh waliba waxay aminasanatahay am aka turjumaysaa qiimaha reerkoda, waayo iyaga ayaa ku dhalinya in qaali iska dhigto, waa laga bixi kara Ayaan aminsanahay, hadii walidiintu ogadaan ama qiimeyaan qiimaha guurka ee muslim ahaanta.

5)    Qaddarinta qurbaha. Qurbaha in la qadariya waxa sabbabay waxaaybo baddan, oo ay kow ka yihiin markasta oo la qimeeyo ruux kasta oo ka yimada qurbaha, lana qadariyo, xataa marka uu u fududaado gallitanka siyasada, in uu si dhib yar ku noqon karro siyaasi, marka u fududaado guurku waayo dumarka lamaba waydiinyo waa ina ayo halku ku noolaa, muxuu cilmi haystaa, muxuu ka shaqeeyaa, wax aka wayn intaaba gabadhii hebel waxa soo doonay wiil qurbaha ka yimi, intaas ayaa ugu fillan, waxa uu haystaa passport, wax walba waa ay u fududaadeen, la yaab ma leh innaga ayaa qiimayan qaddarinay, marka uu wiilkii arko waxaas oo dhan, si uu qurbo joog u noqdo ayuu isku tuuraya baddaha , kalunkuna ku laynayaa, waa masiibo innagu habsatay, waa laga bixi karra hadii, haddi la ammino dhulka hooyo, lana ogaado qiimaha wadanka, uu leyahay

…………………………

QALINKII: Siciid ismaciil muxumed dahab

E-MAIL: Siciiddahab4608@hotmail.com

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..