Dhaqanka Somalida, Asalka Gudniinka Firconiga Ah iyo Aragtida Islamka (Waxa soo saaray: Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland)

Gudniinka fircooniga ah (FGM) waa ficil dhaqameed halis ah kaas oo ku lug leh Jarista ama Goynta Qaybta hore ee dibada ee xubinta tarka. Waxa sida caadiga ah  laga helaa in ay sameeyan koox dhaqmeed amaba beelo dhaqmeed kuwaas oo leh qaab dhismeed bulsho. Sababaha oo loo sameeyo waa mid adag marka laga eegayo asaliyan halka uu kasoo jeed o si loo ogadana waxa ku baxaya wakhti badan. Sidaa daradeed Qoraalkan kooban waxa aan xooga saari doona in aan ogano asal ahaan halka uu kasoo jeedo gudninka firconiga ahi, In kasta oo Asal ahaan ay adag tahay in la fahmo , Waxa jira cilmi baadhisyo kuwaas oo la xidhidha barashada aadamaha , dhaqamadood iyo tariikhdooda kuwaas oo inga cawin karaa in aynu fahano  dhaqamada la xidhidha gudininka fircooniga ah ee gabdhaha. Hasee yeeshe gudninka fircooniga, bulshooyinka qaarkood waxa ay u aaminsan yihin in ay tahay wajibaad diiniya.  In kasta oo darasado cilmi baadhis oo badan ay sheegayn in gudninka fircoonigu uu ka horeyay diinta islamka iyo ta kirisankaba. Tariikhda, Waxaa jira cilmi-badhis kala duwaan oo sheegaya in Masaridu ay samayn jireen Qarnigi 15 naad ,  waxaana ay ku doodayan marka la eego kala duwanasha dhulka  in gudninka fircoonigu uu kasoo jeedo asalkiisu xeebaha galbeed ee bada cas. Tariikhda Somalida, Marka laga hadlaayo dhaqanka Gudninka gabdhaha, 1609 kii, ayaa Dos Santos oo ah Bortaqiis ahaa, ayaa  sheegay in ay koox u dhwayd Magalada Muqdisho ee Waddanka Somaaliya ay caado u ahay inay kor u qadaan Haweenkooda  gaar ahaan Kuwaa adoomaha si ayga dhigaan kuwo aan awood u lahay in ay iibiyan xishoodkooda , iyo kalsoonida qof ka masuulka ah.  In la sameeyo gudninka fircooniga waxaaa tageerayay dhaqankooda ay aminsanayeen, qiimaha iyo hab-dhaqanka iyo si loo ilaaliyo inanta gabadh nimadeeda ilaa inta laga gadhaayo wakhtiga guurka. Gudninka firconiga waxa ay ka amiinsanayeen in uu muhim u yahay dumarku, waxaana ay amiinsan yihin, hadii aan gabadha la gudin in aanay helayn nin guursada, tana waxa ay dhib wayn ku tahay dhaqanka reerka iyo bulshada dhexdooda, taas baa keentay in uu dhaqankani uu usoo gudbo Jiil ilaa jiil kale.

Bulshada Somaalidu waxa ay rumaysan yihin, guud ahaan  gudninka fircooniga ahi uu yahay mid la xidhiidha dhaqaan, halka qaar kale ay u sameeyaan u jeedo diineed. Waxa caad in aan Gudninka fircooniga aan lagu sheegin Quranka kareemka ah,  lakin waxa jira  Axaadis ay soo wariyeen qaaar ka mid ah Asxaabta rasuulku, culumada islamkuna ay ku doodan in qaarkood yihin diciif. Sidaas awadeed, waxa jira sababo badan oo loo sameeyo gudniinka fircooniga manta kuwaas oo iskugu jiro arimo dhaqan, diineed iyo Qaar bulsho.  Marka la eego Culumaada islaamku aad ayay ugu kala duwaan yihin aragtiida gudninka fircooniga ah gabdhaha ,qaarkood

Waxa ay aminsan yihin in uu Wajib yahay, halka kuwa kale ay aminsan yihin in u Sunne yahay oo laga taagi karo.Si kastaba ha aahatee, Waxa ay u bahan tahay in si sax loo falanqeeyo iyadoo loo marayo hab-cilmiyaysan, si ay bulshadu u fahanto  gudninka fircooniga ku salaysan yahay caadooyin iyo dhaxaal fikir khaldan wata oo la dhaxlay. Waa in ay aqoon  u yeeshan Qodobadan soo socda,  in ay ogaadan qeexida dhabta ah ee gudninka fircoonigu in uu yahay jarida la jarayaa dhaman xubnaha saree ee xubinta taranke ee dumarka  iyada oo laga baadlayo habkii dabiciga ahaa ee ilahay u abuuray.  Samaynta Jireed iyo Nafsiyan ee gudninku fircoonigu  ku yeesho haween ka iyo Gabdha yar yar , in la fahmo sababta ka danbaysa ee bulshadu u samayso gudninka fircooniga ah. Tusaale ahaan, waa maxay wax yabaha ku dhiiri galiya somalidu in ay samayso gudninka fircooniga ah , sidoo kale waxa aynu dul istaagi dona xidhiidhkii ka dhexeyay Masarida iyo Somalida,  Xidhidhaas oo ku salaysna mid dhaqaale, ganacsi iyo diineed.

Marka hore, Qeexida sayniku ee gudninka fircooniga sida aynu kor kusoo sheegnay, Marka la eego aragtida Cafimaad ka ee hawlaha dabiiciga ah ee qaybta la jaray loo abuuray Waxa tahay in ay ilaaliso xubnaha kale ee taranka.Dhibatoyinka ka dhasha gudninka waxa ay keenta in gabadh yar ee la guday ay la soo daristo xanuun aad u daran,  waxana ka mid ah , argagax, werwer  iyo in ay abuurto aamin daro ka dhaxaysa inanta iyo walidkeeda, waxana ka lunta isku kalsoonasha gabadha.Mabaadii’da ugu weyn ee diinta Islaamka, Marka laga hadlaay dhaqankan qadiimiga ah, ma jirto wax cadaynay ah oo ku saabsan sharci islamka  kaas oo ka dhigaya Waajib  gudninka fircooniga ah, qayb na kama ahaa Sunnah rasuulka iyo dhaqamadii  wanagsan ee qimaha badna ee uu samayn  jiray naxaris iyo nabad galyo  kor kiisa ha ahaate. Nabi Muhamed (NNKH), Wuxu yidhi “ Ha dhibatayn naftaa iyo nafaha Kuwaa kale”[1]Xaadisku wuxu ku boorinaya qof  ka muslimka ah inuu ka foogaado wax kasta oo yeelaysa naftiisa iyo dadka kale. Sidaa awadeed dadka cilmiga u leh arimaha gudninka Fircooniga  ayaa cadaynayaa in gudninku fircooniga ahii u hore seedayo gabadhaha waxyeello cafimaad, kadibna haweenka qaangaadhka ah ay la soo daristo xalalad cafimaad xumo ah taas oo iskugu jira qaar cafimaadkooda nololeed khatar galin kara,  Wax yeelladaasi Waa mid aan la aqbali Karin, sida  sharciga islaamiga ah dhigaayo.  Allah Qaadirka ah Wuxu Yidhi “ Ha dilin Naftada,[2]” iyo “ Ha isku tuurin Halaag”[3]

Qawaaaninta islaamku waxa ay ka digaysa wax kasta oo nafta qof ka wax yeelaysa, Waxa ay dhiri  galinays xidhidhka ka dheexeya  labada iska qabaa in ay ku nooladan farxaad iyo wanaag  ka dhexeya labada is-qaba.  Sunnah Rasuulka waxa ku cad marka la eego axaadista ay soo dalishanayaan culumida qaar kood in inanta laga dhijinayo mid an waxba yeelayn, hase yeeshe dhaqamadii wanaagsan ee rasuulka NNKH, marna laguma arag isaga oo ehelkiisa ku samaynaya, ma jirto xaadis cadaynaya in rasuulku ku sameeyay hablihiisa, xaaskiisa, ama dadka kale ka tirsana ehelkiisa Ugu dambeyntii, Allah wuxuu ku yiri Quraanka kariimka ah “Waxaannu abuurnay bini-adanka  sida ugu habboon[4] ” Dadku waxay u arkaan in gudniinku  dumarka u yahay quruxda. Quruxduna waxa ay ku jirta sidaa Ilahay u Abuuray

Marka la eego dhibaatooyinka cafimaad ee gudininka firconigu uu ku leyahay dumarka iyo hablaha, iyada oonay jirina wajibaad diineed oon lagu sheegin quranka kareemka. Umada somalida ah waxa la gudboon in la joojiyo caado dhaqmeeda foosha xuun ee mudo la isticmaalay, dhib moyee aan fa,iido u lahay dumaarka iyo habalaha,

[1]  Narrated by Al Dar Qutny on the authority of Abu Said Al Khidri of whom Al Hakem said: authentic on

the condition of Muslim; Sunnan Ibn Majeh, 2/784 No. 2340; Mawta Malik: 2/745; Al Sunnan Al Kobra by

Bahiqi: 6/69; Al Mostadrak by Al Hakim, 2/58; Sunnan Al Dar Qutny, 4/227; Majma’Al (13) Zawa’id, 4/110.

[2] Surat Al-Nessa’a (The Women), Verse 29.

[3] Surat Al Bakara (The Cow), Verse 195.

[4] Chapter (95) sūrat l-tīn (The Fig)