Dhaliisha Siyaasiinteena Ma Xaqiiqa Jirta Mise Maaha! W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Geele)

waxaan ka  hadlayaa waxa loo yaqaano criticism oo ah inaaad qofka naqdido inaad qofka wax ka sheekto inaad qofka khaladaadka uu sameenayo aad soo saarto waana arimaha maanta aadka u qaldan ee wadankeena ka dhaca laakiin waa inaad ixtiraamtaa qofkan aad dhaliisha u sheegayso shakhsiyadiisa iyo jiritaankiisa waa inaadan dhaliisha galin shakhsiyadiisa iyo umuurihiisa u khaaska ah waxaad dhaliishaa dhacdada iyo fikirka , laba kala saar qaladkan dhacay iyo qofka , qaladka dhacay waad dhaliili kartaa laakiinse qofka wax kama sheegi kartid ,waxaan naqdiga la yidhaahdo waa qodob aad u muhiima oo muhiimad gaara ayuu leeyahay muhiimadiisa waxaa kow ka ah marka naqdiga la helo waxa imaanaya in si yaroo

fudud markiiba loo ogaado qaladaadka hadii uu naqdi jiro waxaa uu noqon karayaa in la naqdiyo xukuumada , ururada iyo in qofka naftiisaba la naqdiyo meela badan buu naqdiga galayaa oo u baahan in qaladkan dhacay la saxo hadaba naqdigu waxa uu muhiim u yahay in la ogaado qaladaadkii dhacay hadii laakiinse aan naqdi jirin oo qaladaadkii dhacay aan laysku sheegin waxa imaanay in qaladaadkii ay kobcaan oo ay waynaadaan ka dibna mardambe la ogaado sixitaan kiisiina uu adkaado in qaladaadka la saxo oo laysku sheeko waxa uu muhiim u yahay in uu ka qayb qaato horumarka , ka qayb qaadan kari maysid horumar hadii aanad sheegin wixii aad u arakto dhaliil marka in la sheego weeyaan dhaliisha shaqsiga , dhaliisha ururada iyo hadii dhaliisha  xukuumada noqoto intuba waa mid loo baahanyahay waxa kalay muhiim u noqonaysaa dhaliisha in laysku naseexeeyo , naseexada ay diinteena aad uga hadshay oo ay ku tilmaamtay inay tiirarka islaamka ay ka midtahay , hadaba inay muslimiinta isu naseexeeyaan waa in runta laysku sheeko ,hadaba in dhaliisha laysku sheeko waxay muhiim u tahay wanaag farista iyo xumaan reebista , xumaanta in laysaga digo wanaagiina lays faro,laakiinse waxa la yidhaahdaa naqdiga waa laba qaybood , marka aad dhaliisha sheegayso

000000

waxa ay noqonaysaa dhaliil wax dhisaysa wax hagaajinaysa oo umadan horumar u horseedaysa marna dhaliisha waxay noqon kartaa mid wax dumisa wax baabiisa oo run ahaantii dhibta ay keensanaysaa ay aad u weynaato maanta waxaan rabaa sigaara inaan uga hadlo dhaliisaha wax dhisaysa , dhaliisha horumarka keenaysaa waa tee ? waa maxay qodobada looga baahanyahay ? waa maxay mabaadiida looga baahanyahay ee la rabo qofkaa inuu raaco?

Hadii aad rabto inaad dhaliil sheekto waliba dhaliisha aad sheegaysaa ha noqoto midaad qof u sheegayso ,xukuumad u sheegayso ama urur aad u sheegaysid inay noqoto dhaliil wax dhista oo aan wax dumin kuna dhaqantaa mabaadiidan soo socota:-

1)   dhaliisha intaadan sheegin waa inaad hubisaa ma jirtaa mise ma jirto ?

waa inaad xaqiijisaa inay dhaliishan jirto adigoon hubin oo xaqiijin jiritaankooda cidna ha u sheegin arintaasi khatar bay leedahay waxayna noqonaysaa been abuurasho , waxa laga yaabaa dhaliisha aad adiga maqashay ee aadan hubin hadii aad iska sheegto inay been noqoto  taasna arin aduun iyo aakhiraba khatar ku ah ayey noqonaysaa maanta waxa aad arkaysaa marka aynu dalkeena ka sheekeenayno inay aad u fududahay inuu qofka dhaliisha sheego isagoo aan xaqiijin ,isagoo aan ogaanin ma runbaa mise waa been waxa laga yaabaa inay fududahay inuu xaqiijiyo laakiinse aanu rabin in uu daba galo , waxaad arkaysaa maanta markaad eekto meelaha la fadhiisto oo dhan in dhaliila badan la sheegayo dad hala dhaliilo ama masuuliyiin hala dhaliilo laakiinse laysma waydiiyo dhaliishaasi ma xaqiiqa jirta mise maaha , dhaliisha haday been abuurad noqoto adigana kuuma fiicna aakhiradaadana uma fiicna .

2)   waa inaad raacdaa istaraatiijiyad ( Strategy ) sax ah oo dhaliisha aad ku

sheekto marka aan rabo inaan wax sameeya kow qorshaan sameeyaa , istaraatiijiyad baan dejiyaa , su’aalaan isweydiiyaa ,su’aalaha aad isweydiinayso marka aad wax sameenayso waxa kamida maxaa waxaa u sameenayaa maxaa maslaxad iigu jira ? sidee baa u sameeyaa ? maxaa ka soo bixi kara? su’aalahaasoo dhan ayaad isweydiinaysaa markaad wax qabanayso , hadaba waxa lagaa rabaa su’aalahaa inaad isweydiiso oo aad ka fikirtaa intaadan dhaliisha sheegin , inaad isweydiiiso dhaliishan Maxaan U Sheegayaa ? Maxaan Ka Faa’idayaa Dhaliisha Inaan Sheeko ? qofka aan u sheegayo muxuu ka faa’idayaa ? maxaa laga rabaa maslaxad inay ku jiri karto dhaliisha in la sheego ? dhaliisha sidee baan u sheegaa ? sababtu waxay tahay dhaliisha hadaad ka fikrito inta aanad sheegin waxa imaanaysa inay kugu soo dhacdo dhaliishan uma baahna inaad imminka sheekto , dhaliiishan maslaxadba ma muujinayso ee maxaad qofka ugu sheeki waxa kugu soo dhacaysa usluubka aad qofka ugu sheegayso laakiinse hadii aanad ka fikirin sidaad dhaliisha u sheegayso waxa imaanaysa adigoo kacsan dhaliisha aad iska sheekto waxayna noqonaysaa mid isu badasha caay iyo ceebeen sababtoo ah kamaad fikirin dhaliishan iyo maxay keensan kartaa ? maxaa maslaxadee ku jira ? sidee baan u sheegaa ? su’aalaha ismaad weydiin sidaa daraadeed waxa layidhaa hadii aad rabto dhaliisha inay noqoto mid wax dhisaysa waa inaad intaadan dhaliisha sheegin aad isweydiisaa istaraatiijiyada aad u sheegayso dhaliisha kana jawaabtaa su’aalahaa oo dhan qofka saxafiga markuu dhaliil sheegayo wax yaalaha ugu muhiimsa ee laga rabo  waxa kamida waxa loo yaqaano niyad wanaag hadii aanay niyadoodu wanaagsanayn oo xumaani ay ku jirto oo xin iyo xaasid  ku jiraan waxa laga yaabaa qaanuunka hortiisa in kiis laguugu helo waxyalaha tilmaama in qofka niyad wanaag aanu ku jirin waxa kamida qofkoo baaritaan badan aan sameen qofka saxafiga oo aan kiiskan baarin oo markiiba soo dhiga waxay tilmaamaysaa niyadiisa inayna wanaagsanayn waana kiisaska inta badan lagu helo saxaafada caalamka marka maxkamadaha la hor geeyo waxa kaloo qawaaniinta caalamiga ay dhigayaan marka laga sheekeeanayo xoriyada saxaafada ninka saxafiga markuu dhaliil sheegayo waa in dhaliisha uu sheegayo maslaxad caama umada ugu jirtaa hadii aanay maslaxad ku jirin dhaliisha inaad sheekto dambi bay isugu kaa rogaysaa oo dambiilaad noqonaysaa sababtu waxay tahay waa inaad ka fikirtaa maxaa maslaxadee qarankan ugu jira inaan sheego hadii aanay maslaxadba ku jirin inaad dhaliishaa aad sheegto waxay noqonaysaa ceebayn kiis gaara oo laguugu qaado ayey isku badalaysaa qawaaniinta caalamka ee saxaafada ka sheekeeya waxay tilmaamayaan ninka saxafiga inuu hubiyo oo uu ka fiirsado dhaliisha inay jirto xaqiiqna ay tahay shakina aanay lahayn.

Aqoonyahan ,(Master Holder) Ahna Qoraa Somalilandera (GEELE)

Shaamcade2015@Gmail.Com