DHAGEYSO: “Sahra Halgan Looma Diiddana Xuska Shuhadada SNM, Laakiin Sooyaal-baa Xaq U Leh Qaabashadeeda” W. Ku Xigeenka Amniga Somaliland

(SLT-Hargeysa) – Fannaanada Caanka ah ee Sahra Halgan, ayaa sheegtay in xukuumaddu ka hor-joogsatay inay huteelkeeda Hiddo Dhowr ay ku qabato xuska 30 guurada shuhadada SNM, taasi oo ku beegan 17-ka bishan.

Fannaanada ayaa soo bandhigtay warqad ka soo baxday xafiiska Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha, Cali Maxamed Cali (Gadh dheer), taasi oo uu ku war-geliyey inaan huteelkeeda lagu qaban Karin xuskaasi, laakiin lagu qabanayo huteelka Maansoor.

Halgan

 

Laakiin, Wasiir ku xigeenka Amniga, Cali Maxamed Cali oo isaguna caawa la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in aan Sahra loo diideyn qabashada xuskaasi, laakiin masuuliyiinta Jimciyadda Sooyaal ka cawdeen Sahra Halgan, sidaa daraadeedna maadaama oo Sooyaal ay xaq u leedahay arrintan ay soo saareen amarka ay Sahra kaga joojinayaan.

Cali Gadh- dheer

Cabdiqaadir A. Carab

Email: Horseed001@gmail.com