Da,yarta Somaliland: Jiil u ooman qudwad toosan qorshe qaran

Ugu horayn aan isku dayno inan qeexno macnaha laba kalmadood ee qudwad iyo qorshe (role model & plan), aqoonyahanada adduunku intooda badani waxay ku qeexaan qudwada (ku dayashada) inay yahay ‘qofka dhaqankiisu tusaalaha yahay ama guulaysta, kadib dadku ay ku daydaan’’. Qorshe waa ‘habka ka fikirida iyo abaabulida/isku-dubaridka hawlo loo baahanyahay si loo gaadho yoolka la beegsanayo’’.
Haddii aynu intaa ku dhaafno qeexida kooban ee labada kalmadood ee kor ku xusan, aan u daadagno dulucda iyo ujeedada mawduuceena oo ah inan diirada ku saarno dhibta ay dhalinyarada Somaliland dhaxalsiiyeen qorshe iyo qudwad-tosan la,aantu. Bulsho kasta oo adduunka ku nooli waxay u tabacdaa toosinta iyo tayaynta dhaxal mustaqbakeeda oo ah jiilasha soo koraya ee bari imandoona saaxada. Somaliland waa wadan ay jiilal badan oo kala duwani isusoo dhiibeen dhaxal badan oo dhanwalba ahna uga tageen, walaw midkastaa waqtigiisa iyo waayihiisa watay. Nolosha aadamahaa sidan ah, waa adduunyoo cidna ku waarimaysee, dadkii hore waxay yidhaahdeen ‘ Waarimayside war ha kaa hadho’’ taasi miyaanay la macno ahayn in bulsho/shaqsi kastaa qiimaheedu ku xidhanyahay qadarka dhaxalka ay u dhaafaan jiilasha ku xiga? Aragtidayda waa haa. Da,yarta Somaliland ee maantu waa kuwo tebaya qorshe qaran oo dhamaystiran dhanwalbana daboolaya, laga bilaabo dhalashada, barbaarinta, dhalinyaranimada iyo ilaa waqtiyada waxbarashada iyo shaqada. Da,yarta Somaliland waa kuwo aan haysan qorshe iyo hab haga oo ay raacaan gaadhsiiyana hadafkii himiladii ay rabeen iyaga iyo bulshadooduba, kaas oo ay ku jiraan tusaalayaal wanaagsan oo kudayasho mudan, kana dhiga kuwa nolosha guul ka keena, taa badalkeedii waxa halakeeyay dhibaatooyin dhawra oo ubadan saddex qaybood; dayac ama gaabis ku yimid masuuliyadii ay lahaayeen waalidka, macalinka iyo dhoorkii bulshada ee da,yarta, ta labaad oo ah kuwo ka dhashay da,yartii nolosha ka dhacay oo ficilo cusub lasoo baxay sida iskooxaysiga iyo dhaqamo kale oo wadamo kale inagaga yimid iyo ta saddexaad oo ah saamaynta habka dhaqan-dhaqaale iyo deeganku ay ku noolyihiin ku yeesheen sida qabyaalada, belwadaha, tahriibta iwm.

y
Runtii shacab iyo dawladba waan kawada dharagsanahay wayna ina wada damaqday dhibta iyo mushkilada hadheeyay da,yarteni, midhaha iyo cawaaqibka ay leeyihiina waa kuwo aan horaantoodii hayno,gedaashoodana aan garankarno, sidaa awgeed dhamaan dhinacyada ay khusayso oo ay ugu horeeyaan wasaarada barbaarinta iyo tacliinta, waalidiinta iyo macalimiinta waxaan usoo jeedin lahaa inay usoo jeestaa sidii jiilasha mustaqbalka loo wanaajin lahaa, Somaliland ta berina looga dhigi lahaa mid leh dad dhanwalba ka dhisan oo hadafkeeda gaadhsiin kara beesha caalamka magac iyo meeqaam sare ku leh. Ugu danbayntii, qofwalowba ogsoonow tani waa masuuliyad Allah ina saaray maalinta danbana inagala xisaabtami doono.
Qore: Bashe Ali Bedel
Email: basheali1@gmail.com