Dawladda Maraykanka Oo Ka Digtay Weeraro Argagixiso Oo Ka Dhaca Xarunta Itoobiya Ee Addis ababa.

 

 (SLT-Addis ababa) – Safaarada Mareykanka ee magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia ayaa wal wal kamuujisay warar ay heshay oo sheegay in weeraro ay doonayaan in Shabab ay ka geeystaan caassimada dalka Ethpia gar ahaan deegaan lagu magacaabo Bole.

Warbixinta waxaa lagu yidhi ”safaarada Mareykanka ee Ethiopia waxaa ay heshay warbixin muu jineysa in Shabaabka ka dagaalam dalka somaliya ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geestaan degaanka Bole ee Magaalada Addis Ababa ka tirsan gaar ahaan meelaha la iskugu yimaado sida Hotel-da,Baararka meelaha lagu cibaadeysto suuqyada waaweyn iyo moolalka ku yaala deegaanka Bole,waxaana safaarada ay sheegtay  in laga fogaado meelahaasi oo safaarada suuragalka ka dhigtay in ay weerarda ay ka geesytaan Shabab,waxaana sidoo kale warkaan lagu qoray Wabsit ay safaarada Mareykanka ee Adds Abba leedahay.

ca

Bishii June saraakiisha Ethipia ayaa xidhay 25-qof oo ay ku tuhmaayeen inay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Sidoo kale bishii October 2013 labo nin oo soomali ah ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay guri ku yaala Magaalada Addis Ababa halkaasoo ay hey’addaha amaanka ay shegeen in lagu diyaarinayay si logu weeraro goob lagu daawanayay ciyar  kubada cagta.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com