Turkiga Oo U Muuqda Inuu Maraykanka Ka Tageeraayo Dagaalka Lagu Hayo Kooxda Daacish.

(SLT-Washington) – La taliyaha arrimaha ammaanka ee Maraykanka Susan Rice, ayaa sheegtay in Xukuumadda Turkigu hadda ogolaaday in ciidamadda cirka ee Maraykanku ay isticmaalaan saldhigyadooda si loola dagaalo kooxda  Islaamiyiinta ah eeDaacish, oo ka dagaalama waddamada Iraq iyo Suuriya.

Iyadoo ka hadlaysa Telefishinka, Ms Rice ayaa soo dhawaysay waxay ugu yeedhtay dadaalka cusub ee Turkigu uu muujinayo oo ay ku jirto isticmaalka saldhiga Incirlik, oo ku yaala boqol iyo lixdan kilometer  xuduuda Suuriya.

Daacish-00

Turkiga ayaa ka gaabsanaayay inuu bixiyo taageero milatari oo ay ku taageeraan ciidamadda Kurdishka ee la dagaalamaya Daacish, iyadoo dawladda Turkigu ka cabsi qabta inay u midoobaan Kurdiyiinta Suuriya iyo kuwa dalkeeda oo Madax baanaani doonaaya.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com