Dawladda Jordan Oo Israel Uga Digtay Inay Burburiso Heshiiskii Nabadeed Ee Labada Dal.

(SLT-Jordan) – Dawladda Jordan ayaa uga digtay Israel in heshiiskii nabada ee u dhaxeeyay labada wadan inuu qatar ku jiro haddii Israel sii wado dhismeyaasha ay ka wado dhulka ay ka haysato Falastiiniyiinta

Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay heshiiskii nabada ee labada wadan, ayaa safiirka Urdun ee Israel, Walid Obeidat, uu sheegay in heshiiska uu qatar ku jiro hadii isbadal lagu sameeyo meelaha muhiimka u ah diinta ee Jerusalem.

Wuxuu ka hadlayay talaabooyin ay isku dayayaan Israeliyiinta mayalka adag inay ku badalaan fagaaraha u dhow masaajidka Al Aqsa, si loogu ogolaado dadka Yuhuuda inay ku tukadaan.jordan

Dawladda Israel ayaa sii wada degaamaynta Yuhuuda ee dhulka ay ka haysato Falastiiniyiinta,iyadoo Guryo ka dhisaysa meelaha ay xoogga kaga haysato falastiiniyiinta

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com