Dawladda Itoobiya Oo Joojisay Fiisaynta Baasaboorkii Hore Ee Somaliland.

(SLT-Hargaysa) Safaarada Itoobiya ay ku leedahay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, ayaa joojisay inay fiisaha ku bixiso Baasboorkii hore ee Somaliland oo bil ka hor Xukuumadda Siilaanyo sheegtay in lagu bedelay mid cusub oo casri ah.

Ma jiro go’aan dawladda Somaliland ka soosaartay in si rasmiya loo joojiyay qaadashada dal ku galkii hore ee wadamada Jaarka loogu dhoofi jiray, siiba dalka Itoobiya iyo wadamada kale ee ogolaaday sharci ahaan in wadamadooda loogu dhoofo, hase ahaatee Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa, ayaa si rasmiya uga diiday inay fiise ku siiyaan Baasboorkaa hore Muwaadiniinta Somaliland.

somaliland-passport

“Waxay igu yidhaahdeen kuma bixinayno fiise baasboorkan ee kiina cusub soo qaado” ayuu saxaafadda u sheegay muwaadin sheegay inuu doonayo inuu safar ku tago Itoobiya oo sharcigii Socdaalka caqabadi ka haysato.

Ninkan oo magaciisa inaanu shaacino ka cudur daartay ayaa sheegay inay laanta Somaliland u xaqiijisay in la joojiyay qaadashada Baasboorkii hore, waxaanu intaasi raaciyay inaan dadka baasboorkaa hore haysta si caadi ah loogu bedelayn ee kan cusub uun laga iibinayo. “may ma bedelayno ayay yidhaahdeen ee Kan cusub iibso, kan layga diidayna waxaan qaatay sagaal maalmood ka hor markii Baasboorka cusub dalka soo gaadhay”. Ayuu yidhi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha dawladda Somaliland u qaabilsan arrimaha socdaalka, balse taliyaha laanta socdaalka oo todobaadkii hore warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la joojiyay dal ku galkii hore, laakiinse wax sharaxaad ah kamuu bixin waxa la yeelayo dadka haysta sharciga hore ee la bedelay, kuwaasoo ay dhici karto inay qaarkood fiiseyaal aan dhicini uga yaallaan.

Baasboorka cusub ee dawladdu soo samaysay oo sida la sheegay afar nooc ah, ayaa qiimihiisa lagu sheegay lacag dhan $150, taasoo laga doonayo qof kasta oo qaadanaya, noociisuna waa EPASPORT oo ah heerka caalamiga ah ee sharciga dal ku galka.

Hase yeeshee waxa dadweynaha reer Somaliland ku taagan oo aanay ilaa hada wax fikir ah ka haysan in qofka sita Baasboorka hore loo bedelayo iyo in kale, wallow wararka soo baxayaa ay walaac muujinayaan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.