Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo Dhamaystirtay Qalabkii Wadooyinka Lagu Samaynaayay, Wershadii Jaygna Istaadhay.+SAWIRRO

(SLT-Hargaysa) Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa ayaa ku guulaysatay inay soo dhamaystiraan qalabkii u sahlaayay samaynta wadooyinka Caasimadda oo muddo dheer laga sugaayay.

image

image image image image image image image image image

000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000 000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000

00000000000000000000000000000000000000000000000000000000

Hawl wadeeno ka socday Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com oo booqday goobta lagu rakibay wershada isku qasaysa Jayga iyo Daamurka, ayaa la kulmay iyadoo la istaadhay Wershadaas, sidoo kale waxa goobta lagu diyaariyay agabka dhismaha wadooyinka ku sugnaa Booyado waa weyn oo casriya, Daamur badan oo ku jira foostooyin oo ah kii wadooyinka la dhigaayay iyo qalab kale.

image image image image image image image

00000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000 00000000000000000000000000000000000000000000000000000000

Wakhti doora ayay dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargaysa iyo kuwa fasaxa & dalxiiska ku yimaadaba sugayeen inay maruun arkaan Magaalada oo laga hirgaliyay wadooyin casriya, balse mar haddii la soo dhamaystiray dhammaan qalabkii sahlaayay samaynta wadada, waxay dadbani filaayaan inay Dawladda Hoose ee Hargaysa iska faydidoonto dhammaan su’aalahaas.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay maruu ka hadlaayay bilawga dhismaha wadooyinka, inay ugu horeysiin doonaan wadada tagta Garoonka Diyaaraha oo ah Muraayada Magaalada, sidoo kalena ay ku xigsiin doonaan wadada Cisbitaalka weyn daba marta, kadib ay wadooyin badan hirgalin doonaan haddii alle idmo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com