Dawlada Sucuudiga Oo Macalimiinta U Shaqeysa Siineysa Gawaadhi Nooca Raaxada Ah Oo Aad Qaali U Ah.

(SLT-Riyad)-Wasaarada waxbarashada ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa in ay gawaadhi nooca raaxada ah gudoonsiiso macalimiinta sida weyn loogu amaano waxbarida iyo barbaarinta ubadka soo karaya ee dalkaasi , iyada oo sidoo kale dawlada dalkaasi ay sheegtay in ay lacag u raacin doonto macalimiinta ku guuleysta in la gudoonsiiyo abaal marinadan.

Dawlada Riyaad ayaa sheegeysa in abaal marinadan aaney keliya qaadan doonin macalimiinta ka shaqeeya barbaarinta iyo waxbarista caruurta , laakiin sidoo kale ay ku jiri doonaan maamulayaasha iskuulada iyo sidoo kale la taliyayaasha waxbarashada. Sidoo kale ardayda kaalmaha sare ka gala dhinacyada akhlaaq wanaaga iyo dadaalka waxbarashada ayaa iyaguna xaq u yeelan doona in la gudoonsiiyo abaal marino aad qaali u ah oo ay siin doonto wasaarada waxbarashada ee boqortooyada carbeed ee sucuudiga, inkasta oo aaney heli doonin gawaadhida aadka u dheereeya iyo lacagaha tiradoodu u dhexayso $2,665-$32,000 ee ay heli doonaan macalimiintoodu.

 

r

Wasaarada waxbarashada ee boqortooyada sucuudiga ayaa sheegtay in talaabadan ay dawladu dooneyso in ay qaado ay ku doneyso in ay ku dhiirigeliso macalimiinta si kor loogu qaado xirfadaha waxbarista ubadka iyo barbaarintooda.

Maxamed Aadan

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday