DAWLAD XUL AH AMASE XAL AH (W/Q: C/Raxmaan Caydiid) – Q/1aad)

1. Hordhac
Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho.

Akhristayaal waxa aad la socoteen in dadweynuhu maalmihii u dambeeyay baraha bulshada iyo saxaafaddaba afkaartooda ku dhiibanayeen in Madaxweynaha cususbi soo dhiso dawlad kooban oo tayo leh. Haa Kooban oo Tayo leh. Waa laba eray oo ka tarjumaya dareenka dadweynaha. Kooban waxay ka wadaan in la yareeyo shaqooyin isku wada sidkan oo marka irbad kor loo qaadaba xafiis hebel yidhaahdo waa laysoo farageliyay, waxaa kale oo ay u dan leeyihiin in la yareeyo kharashka iyo miisaaniyaadda tirada badan ee ku baxda golaha xukuumadda. Tayo lehna, fahankayga, waxay ka wadaan dad garanaya waxa loo diray in hawlaha loo cimaamado.

Haa, waa si wanaagsan, laakiin sideedaba marka laga hadlayo maaraynta arimaha siyaasadda iyo bulshada waxa mar kasta is barbar yaal: “Maxaa wacan/fiican iyo Maxaa Suuragal ah”. Waxaa kale oo marka la leeyahay kooban oo tayo leh, aad moodaa in aan xisaabta lagu darin in Xukuumaddu ama dawladnimadu sideedaba tahay metelaad iyo awood-qaybsi, taas oo iyana u baahan in la dhexgeliyo labada eray ee hore ee Kooban iyo Tayo leh. (kooban + Tayoleh + Awoodqaybsi = imisa wasiir?)

2. DAWLADDA HADA XILKA WAREEJINAYSA (MILICSI KOOBAN).
Waxa laga yaabaa, maadaama Kulimiye hore xukunka usoo hayay in aanu wax badan ka bedelin qaab dhismeedkii xukuumaddii hore, hase yeeshee xaqiiqadu waxay tahay in aad loogu baahanyahay in isbeddel la sameeyo, oo la unko Xukuumad ka tarjumaysa balanqaadyadii Murashaxoodu, ahna imika Madaxweynaha Somaliland MBC uu sameeyay xilligii ololaha.

Xukuumaddii u dambaysay ee Kulmiye haddaynu did u eegno waxaynu u kala qaadi karnaa laba qaybood. Qaybta kowaad waxay ahaayeen Wasaarado ama hay’ado ay shaqadoodu caddahay iyo qaybta labaad (wasaarado iyo hay’ado) oo aan odhan karno waxay ahaayeen kuwo aanay shaqadoodu caddayn ama aan u qalmin in waxa ay hadda qabtaan keliya ay usii taagnaadaan.

3. MAXAA LOO BAAHANYAHAY IN LA BEDELO?
Isbedel marka laga fekerayo, maankana aynu ku hayno Somalilandta maanta iyo Madaxweynaha cusub ee la dootay mudane MBC iyo balanqaadyadii badnaa, aniga fikirkayga, isbedelkaasu waa inuu saddex dhinac ka yimaado:
a) Midda koowaad waxa weeye, in xooga la saaro sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada bulshda, Kaabayaasha dhaqalaha, amniga iyo kaladambayta.
b) Midda labaad, waxa weeye in maanka lagu hayo sidii lola tacaali lahaa musiibooyinka dabiiciga ah oo horumar kasta oo la sameeyo, hal mar la degi karaya, sida aynu sanadihii tegay usoo joognay… oo abaaraha soo noqnoqdaa kow ka yihiin
c) Midda saddexaad waxa weeye, sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka dalka, si loola tacaalo sixir bararka, qiimaha Shilinka Somaliland-na kor loogu qaadi lahaa.

4. ISU-DUWID IYO DIB-U-HABAYN
Soo jeedimo badan oo la xidhiidha qaab-dhismeedka xukuumadda ayaa lagu baahiyay baraha busludu ku xidhiidho. Afkaar badanna waa laga dhiibtay, in badan oo ka mid ahna waan la qabaa. Waxaase muhiim ah dhawr qodob, mid weeye horta dhaqaalaha ku baxaya Wassaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda ma yara, sidaas darteed in wixii is raaci karaba lays raaciyo waa muhiim, Waxaa kale oo iyana loo baahanyahay in waxyaalaha siyaasadda dawladdu muhimadda siinayso la xoojiyo, haba ahaato maanta Wassarad ama Hay’ad tamar darane. Sidaas darteed, waxaan laga fursanayn in isbdeladdan hoos ku qoran la sameeyo, kuwaas oo ah laba qaybood (kuwo meeshaba laga saaro oo la titiro iyo kuwo dub u habayn lagu sameeyo):

5. WASSAARADAHA AMA HAY’ADAHA AY TAHAY IN LA BAABI’IYO: wax aka mid ah:-
a) Wassaaradda Wershadaha: Wasaaraddan, shaqo ku filan oo wassaarad loogu magacaabo ma hayasto.. Haddii dhaqaaluhu inoo hagaago se waa suuragal in dib u eegis lagu sameeyo

b) Wasaardda dhaqanka iyo daliiska. Wasaarad istaagi karta maaha. Dhaqaale in lagu lumiyana iilama muuqato. Waa in wassaarad kale la raaciyo.

c) Wasaaradda Isgaadhsiinta. Wasaaraddani xil weyn ayay ku magacaabantahay. Hase yeeshee isgaadhsiinta nooc ay tahayba waxa gacanta ku haya hay’ado iyo shariikado gaar loo leeyahay. Wax door ah oo muuqda oo ay ku yeelan karto iyo in Wassaarad iyo miisaaniyad loo sameeyo anigu arki waayay. Haddii laga tegi waayo, kala nidaaminta shariikadaha iyo curinta siyaasadaha lagu hagayo qaybtaa isgaadhsiinta weeye waxa u bannaani inay ka shaqayso. Su’aashu waxa weeye Intaasi miyay istaahil tahay in wassaarad loo sameeyo. Malaha in shaqadaa wasaarad kale la hoos geeyo ayaaa ka kharash yar.

d) Wassaaradda Xidhiidhka Golayaasha. Xidhiidhka waaxyaha dawladda waxa u xilsaaran ayna tahay in ay qabato waa Wassaaradda Madaxtooyada. Xidhiidhin golayaal waa shaqo aan jirin, waana in meesha laga saaro.

e) Wassaaradda Caddaaladda. Wasaaraddan anigu shaqadeeda aad uma fahansani. Erayga “caddaalad” waxaan u haystaa inay shaqadaas inoo hayaan maxkamado iyo xeer ilaalin.Mar hadday maxkamadihii jiraan, oo shaqaalaha garsoorka maxkamadda sare u taliso. Horta maxay qabataa wassaaraddani? Jeelashaanu maamulnaa waan maqlaa…iyana bal madaxweynuhu dib haw eego.

f) Wassaardda Dib-Udejinta – MRRR. Wassarraddan waxa la sameeyay, markii waddanka dib loogu soo noqday 1991, markale 1993 ayaa dib boodhka loga sii jafay. Waqtigaa dadka Somaliland 70% wax ku dhow ayaa xeryo qaxooti ku jiray, dib usoo celin iyo dib u dejinna u baahnaa. Maanta MRRR shaqadeedii waxay kusoo ururtay barakacayaal (IDPs) iyo qaxootiga Yemen ka yimaada. Ma istaahilbaa kolkaa in ay Wassaarad miisaaniyad badani ku socoto ay sii ahaato. Aniga fikirgayga maya, waa in laga saaro qaabdhismeedka xukuumadda.

g) Hay’adaha Madaxa Bannaan: Waxaa jira hay’ado doora oo dhamaantood u aasaasan ujeedooyin Qaran oo muhiim ah, baahida loo qabaana muuqato. Hase yeeshee duruufo dhaqaale, mid aqooneed iyo kuwo kaleba darteed aan shaqo muuqata qabanin, miisaaniyad door ahna la dega sannad kasta. Kuwaas waxaa ka mid: Maamulwanaaga, Ilaalinta tayada cuntanda, iyo kuwo kale oo badan. Hayd’ahan waxa ila toosan in la baabi’iyo, shaqadoodana meelo kale oo ku habboon la raaciyo.

(Lasoco qaybta 2aad ee isla mawduucan…………)

Qoraarkan kan ku xiga (Q2ad) waxaynu ku eegi doonaa Wassaaradaha ama Hayadaha ay tahay in isbedel lagu sameeyo iyo kuwo cusub oo aynu is leenahay waxay ka jawaabayaan balanqaadydaii Xisbga Kulmiye iyo Musharixiintooda ee wakhtigii Ololaha.

W/Q: Cabdiraxman caydiid

abdiaideed11@gmail.com

November 26, 2017