Daraasad Lagu Sameeyey Dhaqaalaha Wadanka Shiinaha, Warbixin

(SLT-china) – Isbuucaan ayaa waxaa lagu dhawaaqay in dhaqaalaha dal-waynaha shiinaha uu kobcay 7.3% halka sanadihii hore uu ahaa 10%. Isbadalkaani ku yimid dhaqaalaha Shiinaha ayaa waxaa daraasaad ka sameeyay Larry Summers iyo Lant Pritchett oo ka tirsan Jaamacadda Harvard iyaga oo sheegay in wali dheel dheelinta dhaqaale ee dalkaasi ay fari ka qodnayn. Waxayna daraasadooda ku muujiyeen in mugdi iyo hirar waawayn ay dalkaasi ku soo wajahanyihiin.

g

Waddanku waxaa lagu maamulaa nidaamka dhaqaale ee shuuciga ah kaasoo inta badan khayraadka dalkaasi uu gacanta ugu jiro dawladda halka ganacsiga gaarka loo leeyahayna aad u yaryahay amaba uuna jirnba.

Khubarada ayaa sheegtay in China ay u baahantahay in ay dabaqdo qodobo dimuqraadiyadeed si ay uga digtoonaato inuu hoos u dhac dhaqaale ku yimaado. Waxaa ayna ku taliyeen in suuqa ay kadhigan mid xor ah oo is wada, faragalinta dawladduna ay xad dhaaf noqon sida hadda ay tahay oo kale

1958 waddanka Shiinaha waxaa soo martay mid ka mid ah musiibooyinkii ugu darnaa ee dunidaani soo marta kadib abaar aad u daran dalkaasi ka dhacday oo galaafatay nolosha ku dhawaad 58 milyan qof, ma jirin kaabayaal dhaqaale ka qayb qaato gargaarka iyo soo noolayta dhaqaalaha, ma jirin siyaasad iyo nidaam dhaqaale oo xididaysan oo dalkaasi haga, waa ay yarayd horumarka ay teknolojiyadda iyo casrinimada ka jirtay dalkaasi. Madaxweynihii xiligaasi ayaa xaaladaasi dalka jirtay ku cataabay “Dad banideena miyaan eersanaa, khayraad yarideena miyaa mushkiladda ah, ma dadka aduunka kale ku nool ayaan ka du wannahay, ilaahay sidaan nooma doorin, maalin un baan asaageen gaari doonaa” Waa hadal taariikhi ah oo ay dadk Shiinuhu aad u xasuustan, waxaana ay maantay kamid yihiin wadamada ugu awooda iyo dhaqaale badan aduunka balse saadaashu la sheegayaa waa mid Shiinaha dib u xuusin doonta dhacdadii 1958-dii.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com