Daraasaad: Lowsku Waxaa Uu Ka Qayb Qaataa Koriinka Caruurta.

(SLT-Hargaysa)-In badan  ayaa waalidiinta lagula taliyey inay ubadkooda siiyaan caano badan iyo cuntooyinka kale oo ay ka buuxdo macdanta Calcium si caafimaadka lafahoodu u fiicnaado, balse cilmi-baadhis khubaro caafimaad oo Maraykan ah ayaa iftiimiyey in lowsku muhiimad weyn u leeyahay korriinka lafaha carruurta yaryar.

Daraasaddan oo lagu soo bandhigay kulan ururka dhakhaatiirta cudurrada carruurta ee dalka Maraykanku ku yeesheen magaalada Washington DC, waxa lagu sheegay in cuntada macdanta Magnesium ku badan tahay door muhiim ah ka ciyaarto korriinka lafaha.

download

 

Nafaqada badani waa furaha ubadka u horseedi kara in lafahoodu noqdaan qaar caafimaad qaba, gaar ahaan cuntada Magnesium ku badan tahay. Calciumta laf ahaanteedu waa muhiim, laakiin cilmi-baadhistu waxa ay sheegtay in Magnesium-tu ay ka faa’iido badan tahay Sidaa waxa yidhi Dr. Steven Abrams oo ah macallin cudurrada carruurta ku takhasusay oo wax ka dhiga Mac-hadka Baylor College oo ku yaala magaalada Houston, daraasaddanna madax ka ahaa.

Hase ahaatee, khubaradu ma ay sheegin in cuntada Magnesiumtu ku badan tahay sida lowska u fiican tahay lafaha dadka waaweyn.

Dhakhaatiirta cilmi-baadhistan fuliyey waxay baadhitaan ku sameeyeen 63 carruur ah oo caafimaad qaba, da’dooduna u dhexayso 4 ilaa 8 jir, kuwaas oo laga ilaaliyey inay faytamiinno ama macdano kale cunaan inta tijaabada lagu samayanayo, waxaana muddo lagu hayey cusbitaal, iyadoo la cabbirayey xaddiga Calcium ah iyo Magnesium ee jidhkooda ku jira.

Cuntooyinkii ay muddada daraasaddu ku socotay la siinayey waxa ay ka koobnaayeen xaddiyo isku mid ah oo macdanta Calcium iyo Magnesium ah, iyagoona tijaabo laga qaadaayey muddo 72 saacadood ah.

Ugu dambayn, waxay cilmi-baadhistu ku soo ururtay in maadada Magnesium-tu aad u koriso awoodda iyo adayga lafaha carruurta, halka ay tilmaameen in Calcium-tu aysan  la mid ahayn oo ay ka awood yar tahay.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday