Danjiraha Maraykanka Ee Qaramada Midoobay Oo Booqanaysa Galbeedka Afrika

(SLT-Washigntong)-Danjiraha Maryakanka ee Qaramada Midoobay Samantha Power ayaa booqanaysa dalalka xuddunta u ah cudurka Ebolaha, si ay dalalka kale ugu dhiiri galiso inay wax badan qabtaan.

Power ayaa booqanaysa dalalka Guinea, Liberia, iyo Sierra Leone. Sabtidii shalay ayey warfidiyeenada u sheegtay faa’iidada in si soke xaaladda loogu kuur galaa ay ka awood badan tahay waxa ay ugu yeedhay “khatar aan  jirin”

Ms. Power ayaa booqanaysa xarumaha isku xidhka cudurka, isla markaana la kulmaysa saraakiisha sarsare ee xukuumadahaas. Waxa kale oo ay la kulmi doontaa khubarada caafimaadka iyo askarta Maraykanka ee goobahaas cudurka kula tacaalaya.

D72F1438-4FFE-42CC-BA95-36D8938578EE_w640_r1_cx0_cy5_cw0_s

 

Sabtidii shalay ayaa QM dalka Mali ay u dirtay hal metric ton oo daawada iyo qalabka caafimaadka ah, ka dib markii dalkaasi soo wariyey xaaladdii ugu horeysay ee cudurka. Gabadh yar oo laba jir ah, kana timid dalka Guinea ayaa dalka Mali ugu dhimatay cudurka, halkaas ay oo dawo u doonatay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com