Siciid Sulub Oo Ka Digey Fowdo Aan Mucaaradka Saamaynin

(SLT-Hargaysa) – Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed oo Xukumaddi Daahir Rayaale Kaahin, ka ahaa Wasiirka Hawlaha Guud ayaa sheegay  in dalka Somaliland fawdo galaayo, sidoo kale aanay waxba dalka ka ahayn Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE oo shalay shir jaraa’id oo ay qabteen dhaliilo u soo jeediyay Guddoomiyaha Golahooda Wakiilada.

5001

Siciid Sulub oo saxaafadda kula hadlaayay Magaaladda Hargaysa, waxaa hadaladiisi kamid aha.”Inanki kaligii aamusay (Xildhibaan Ibraahim Ruush) ayaa xalay farta ruxaayay, ma inanka kaligii aamusay ayaa 64-Xildhibaan ka awood ronaanaya,?  oo wax laalush lagu kaxaysto iyo wax farsamo xumo kale lagu kaxaysto ah, inamada hanjabayay (Xildhibaanada) ee qaylinaaya waxaa leeyahay qiimo kuma lihidin dalka, sababto ah mar hadaad subaxba cod gaara ku hadlaysaan oo aydaan dadkii idin soo doortay iyo golaha sharcigiisa ku soconayn  waxba kama jiraan waxaad tidhaahdeen”

Siciid Sulub Maxamed waxa kale oo uu sheegay in dalku fawdo galaayo, haddu galana aanay waxba u noqonayn ninka isagu markii hore aan waxba ku haynin, (Mucaaridka) isagoo markale arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.” Waxaanu leenahay hadaanu Xisbiga WADANI nahay, ruqo ninkii laha dabada hayaa ma kacdo, ka daaya Golaha wakiilada ee aad dhaq-dhaqaajinaysaan, ka daaya golaha guurtida ee aad jeebka ku haysataan ee kolba dhinac u dhigaysaan. Hadad ka dayn waydaan dalku fowdo ayuu galin, haddu galana ninki aan waxba ku qabin (Mucaaridka) dee waxba u noqon maayo”

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com