Dal Baaba’ay haddaad aragto, hoggaanka ayaa ka Xumaadey.

Wadamada burburey ee qeyrkood ka hadhey maaha iney dadka ka aqoon yaraayeen. Balse habaar ayaa ku dhacay. habaar ummad ku dhaca waxa u weyn habaarka hoggaanka kaaga dhaca. habbaarada u weyni waxa ay ku dhaceen dalalka carabta oo in badan ay baabi”yeen madax u heysata in dadka iyo dalkaba ay iyagu iska leeyihiin.

14910398_10211533623245465_5285058997494725407_n

Yemen dagaalka ka socda waxa qeyb ka ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax oo dalkaa xukumayey muddo ka badan 30 sanadood. Libiya waxa baai”yey Qaddaafi oo afartan sanadood xukumayeyo ddiideya inu ka dago. Suuriya waxa intaa in leeg xukumayey Bashaar Al Asad oo aabihii oo intaa in leeg xukumayey ku wareejiyey. Masar waxa xukumayey oo gaadhey heer xafaayad loo xidho oo ka degi waayey xukunkii ilaa dalkii burburo Xusni Mubarak. Sucuudiga xaafad ayaa tidhi anagaa xaq samaawi ah u leh inaan dalka iyo dadka iyo hantidaba xukuno tasoo keentey in dhibaatooyin bilow ihi ka istaadhmaan.

W/Q Mohamed Ali Bile