“Dahabshiil Door Hormuud Ah Ayay Hay’adihiisu Ka Soo Qateen Wakhtigii Dalku Halganka Ku Jiray”. Madaxweynaha Somaliland Oo Ammaanay Sherkada Dahabshiil

(SLT-HargaysA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo maanta xadhiga ka jaray Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil Bank, oo laga furay Magaaladda Hargaysa, ayaa ammaan ballaadhan u jeediyay sherkada Dahabshiil doorki shariifka aha ee ay kaga soo qayb qaadatay dib-udhiska dalka. Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaayay xafladii loo qabtay furitaanka Bankaas waxaa hadaladiisi kamid aha.

images

“Dahabshiil door hormuud ah ayay hay’adihiisu ka soo qateen horumarinta dalka, wakhti dalku halganki iyo dagaladii ku jiray waxbadan u baahna ayuu door xoogleh oo lama ilawaan ah ka soo qaatay. Maantana dhismihii horumarinta dalka ayuu hore ugu talaabsaday, taasna aad iyo aad ayaan ugu hanbalyey naynaa, waanu soo dhaweynaynaa isaga iyo cidii kale ee dalka wax ka qabanaysaba.”.

Sherkada Dahabshiil oo u kala baxda laamo kala duwan, ayaa kamid ah sherkadaha ugu waa weyn waddanka, uguna cimriga dheer marka la eego tariikhda ay soo shaqaynaysay.

mme19Ui

Khadar Xasan Aadan

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

Email: khadar2424@gmail.com