Dagaalyahannada DAACISH Oo Loo Tababareyo Duulinta Diyaaradaha Dagaalka

(SLT-Ciraaq) – Duuliyeyaashi Ciraaq ee ku biiray kooxda ISIS ayaa lagu soo waramayaa inay tababaro ku saabsan sida loo duuliyo diyaaraddaha dagaalka ay siiyaan dagaalyahanada kooxdaasi.

Sida ay ku warameen Urur ka jira UK oo la socda dagaalka kooxda Daacish, ilaa saddex diyaaradood oo nooca dagaalka oo ISIS afduub ku qabsatay ayaa lagu tababaraya dagaalyahanadeeda.

Diyaaraddaha ayaa lagu arkay iyagoo kormaraya hawada magaalada Aleppo ee dalka Suuriya, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.

Kooxda Daacish ayaa adeegsanaysa Duuliyeyaashii hore ee Dowladda Ciraaq xilligi Saddam Hussein tababarka dagaalyahanadooda, iyadoo ay noqonayso markii u horeysay xeeladan oo kale lasoo baxdo.

Daacish

Mintidiinta ISIS ayaa weerar xoog leh kala kulmaya beesha caalamka iyadoo la bilaabay duqeymo ka dhan ah.