Dagaal U Dhaxeeya Ciidammada Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Maamul Gobolleedka Puntland Oo Socda Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sool

(SLT-Tukaraq)-Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Qaranka Somaliland ay dagaal kaga jawaabeen weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ciidamo qawlaysto ah oo ka tirsaqn maamul gobolleedka Puntland.


Saakay aroortii ayaa la xaqiijiyey in halkaasi dagaal uu ku dhex-maray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland.

Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay qabsadeen deegaanka Tukaraq oo ay markii hore ku sugnaayeen ciidamada maamulka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyey in gabi ahaanba ay deegaankaasi isaga baxeen, welina lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Sidoo kale dagaal ayaa la sheegay in uu hadda ka socda deegaanka God-qaboobe oo ka tirsan gobolka Sool isla markaana ku dhawaad 40KM u jirta magaalada Garoowe – sida uu ii xaqiijiyay goobjooge ku sugan deegaanka.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dagaalkaas maadaama uu weli socdo
Wararkan oo faah-faahsan goor dhaw la soco