Dagaal Qadhaadh Oo Ka Soo Cusboonaaday Magaalada Kobane.

(SLT-Kobane)-Dagaal culus ayaa ka qarxay waqooyiga magaalada Kobane ee dalka Suuriya, kaddib labo maalmood oo ay xaaladda halkaasi daganayd.

Dagaalyahanada Kurdiyiintu waxa u malaynayeen in ay dib u riixeen malayshiyada Khilaafada Islaamka oo is ku dayayay in ay la wareegaan magaaladaasi.

Xoogaga ay hor kacayaan Maraykanku ayaa sheegay in ay lix duqaymo oo xaga circa ay ka gaysteen agagaarka Kobane, kuwas oo dhacay axadii iyo isniintii, sidaas waxaa sheegay Maraykanka.

Kobane, oo ku taala xadka Turkiga waxaa weeye hadafka ugu wayn ee Khilaafada Islaamka, waxa uuna dagaal kaasi inta badan shacab kii ku qasbtay in ay isaga qaxaan magaalada.

 

141020222607_kobane_512x288_ap_nocredit

Dagaalkan cusub waxa uu yimid iyada oo Turkigu ay sheegeen in ay u ogolaandoonaan in dagaalyahanada Kurdiyiinta ee loo yaqaano Peshmerga ay xadkooda ka talaabaan si ay Suuriya ugula dagaalamaan Khilaafada Islaamka.

Wariyaha BBC Kasra Naji oo jooga xadka Turkiga ayaa sheegay in go’aankan uu aad wax ugu tarayo niyadda ciidammada difaaca ku jira awoodooda dagaalba.

Saraakiil u hadashay gobolka Kurdiyiinta ee Ciraaq ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay askar diran balse aysan wali helin amarkii ay ku soo diri lahaayeen.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com