Dagaal Culus Oo Magaalada Muqdisho Ku Dhax-maray Ciidamo Ka Wada Tirsan Dawladda Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Xasilinta Muqdisho iyo Ciidamo milateri dalka Soomaaliya ayaa saaka ku dagaalamay agagaarka Kulliyadii Jaalle Siyaad.

Ciidamada Xasilinta ayaa weerar ku qaaday xaafada Haanta Dheer oo ku dhow Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxaana halkaas ka dhacay is rasaaseyn muddo socotay.

Sarkaal lagu magacaabo C/llaahi Faarax Siyaad, kana mid ah Saraakiisha Ciidamada Milateriga ee lagu weeraray halka lagu magacaabo Haanta Dheer ayaa sheegay in ciidankooda oo halkaas degenaa ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Xasilinta.

Waxaa uu sheegay in weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana aanay ogeyn sababta loo soo weeraray.

“Anaga ciidan ayaa nahay oo Talis meesha noo ah, waxaa degan Haanta Dheer, Guutada 3aad ee qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka”ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay Mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana la sheegayaa in ugu yaraan 2 ruux ay ku geeriyooday, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamada Xasilinta ayaa bilihii la soo dhaafay howl galo isugu jira amni sugid iyo hub ka dhigis ka waday magaalada Muqdisho, waxaana inta badan howl galadaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office