“Dadweynaha Reer Somaliland, Haka Soo Horjeedsadaan Cid Kasta Oo Warbaahinta Cay La Soo Fadhiisata” Kayser C/laahi

SLT-Hargeysa) – Safiirka Wareegga ee Somaliland, Kayser Cabdillaahi, ayaa ku taliyey in lagu oriyo oo laga soo horjeedsado masuuliyiinta Mucaaradka iyo muxaafidka ah ee warbaahinta iska caaya, si looga gudbo hanaanka cayda ku dhisan ee shacabka Somaliland jaho-wareeriyey.

Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u dhignaa sidan “Waa Isku Xafiis, Waa Isku Shaqo, Subax iyo Habeena way wada Joogaan, meelna kuma kala maqna, si fudud ayay hadaladooda iyo doodahoodu isu gaadhi karaan oo inta ay Albaabka hoosta isaga soo xidhaan ayay xataa Murmi karaan oo waxa khaldan isla eegi karaan. Nasiib darro taasi waxay ka door bidaan kana jecel yihiin inay Cayda, Eeda, iyo Canbaaraynta isu mariyaan TV yada iyo Warbaahinta kala duwan.

Dhaqankan Faasidka ah ee Caadada inoo Noqday waxaa la gaadhay Xiligii lasoo Afjari lahaa, ee la joojin lahaa waxa xun ee Dhegaha Carruurta iyo Dumarka la maqashiinayo. Waxaa lagama maarmaan ah in Siyaasiyiinteena Muxaafid iyo Mucaaridba laga waantoobo Eedaha iyo Cayda lafo jabka ah ee Hawada la isu Marinayo.

Muwaadiniinta Somaliland waxay ka Niyad jabeen Khatyaan Bilaahina ka taagan yihiin Qof Masuul sheegaanaya oo Masuul kale Eedayna oo Warbaahinta soo hor fadhiisanaya oo ku hadlaya wax kasta oo ku Rifayo ama hoos ugu dhigayo karaamada Muwaadin kale oo Walaakiis ah oo laga yaabo inay isku Meel iyo isku magaalo joogaan ama ay si fudud u kulmi karaan iyaga oo aan cay iyo canbaarayn hawada isu marin.

Dadweynaha reer Somaliland iyo Laamaha Warbaahinta ee kale haku Oriyaan oo haka soo horjeestaan Cid kasta oo Warbaahinta Cay iyo Canbaarayn la soo hor fadhiista ee weeraraya Muwaadin kale oo Walaalkii ah oo laga yaabo inay fikrad ku kala duwanaadeen ama ay arrin yar isku qabteen, waxaana lagama maarmaan ah in Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Mucaaridka, Muxaafidka, Dhalinyarada, Odayaasha, Haweenka iyo cid kasta oo damiirkoodu nool yahay inay ka dhiidhiyaan Cayda iyo Canbaaraynta Warbaahinta la isu marinayo.

Kayser

Waxaa loo baahan yahay in qofka Masuulka ah ee Eed u haya Masuul kale inuu Xafiiskiisa ugu tagoo oo uu wixii Eed iyo tabasho ah sheegto, laakiin aan lagu Cararin Warbaahinta Qayrul-masuulka ah ee Shaqada ka dhigatay faafinta Cayda iyo Muranada aan xikmada lahayn ee Dhaqankeenii iyo Hidaheenii Nusqaanta ku keenay.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed