Dad Ku Dhintay Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho Iyo Wariyayaal Dhaawacmay

(SLT-Muqdisho) – Fiidnimadii caawa ayaa wuxuu qarax weyn oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Ex-fiyoore, halkaasoo ay ku yaallaan xarumo ganacsi oo dhowr ah.

Qaraxan oo dhacay 7:00 fiidnimo ee caawa ayaan wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya waxay sheegayaan in illaa shan qof oo shacab ay ku dhinteen iyo dhaawac intaas ka badan.

Goobjooge ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaadhii laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay barxadda iskaashatooyinka ee degmada Xamar-weyne, isagoo sheegay inay dad badan waxyeello kasoo gaadhey.

Sidoo kale, qaraxa ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, C/qaadir Maxamed C/qaadir oo sheegay inay ku dhinteen qaraxa ugu yaraan saddex qof oo ay caruuri ku jirtay, uuna qarxay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

QARAX_MUQDISHO_KA_DHACAY

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa waxaa ka mid ahaa wariyeyaal ka kala tirsan idaacadaha madaxa-bannaan ee Muqdisho iyo tan dowladda, kuwaas oo kala ah; Ibraahim Sheellare iyo filim-qaade ka tirsan telefiishanka dawladda Soomaaliya.