Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane Oo Aasqaran Boorame Loogu Sameeyay, Tariikh Nololeed Kiisi. +DAAWO MUQAAL.

(SLT-Boorame) Alle haw naxariiste waxaa maanta Aasqaran loogu sameeyay Magaaladda Boorame, Marxuum  Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, Marxuumka oo maalintii shalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala isla Magaalada Boorame waxaa aaskiisa ka soo qaybgalay, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaano tiro badan, Saladiin, bahda Waxbarashada iyo boqolaal dadweyne Ah.  Aaska Marxuunka oo ahaa mid hee qaran ah, ayaa waxa uu kulmiyay bahda Waxbarashada iyo bahda Golaha Wakiilada oo ay si gaar ah geerida Marxuunku u taabanaysay, oo ay dheer yihiin Xildhibaano ka tirsan labada gole, Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno, Agaasimayaal, Badhsaabo, Maayaro, Xildhibaano golayaasha degaanka ah, Salaadiinta dhaqanka, Madaxda iyo Ardayda Jaamacadaha, dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dadwayne kale oo isaga kala yimiday dhul aad u kala fog oo ay intaba Marxuunka Ixtiraam, Qadarin iyo Wanaag isku hayeen.

Gabi’ahaanba bahwayntii ka soo qaybgashay aaaska Marxuunka ayaa Eebe Ergo uga noqday Marxuun/Bare Miigane in uu Qabriga u Waasiciyo, isla markaana Naxariistii Jano ka Waraabiyo, Sidaasi oo kale ayay Eheladii Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuunkuna Samir iyo Iimaan u rajeeyeen.

Dhinaca kale waxa laga marag kacay in Marxuun/Bare Maxamed Barkhad Miigane uu ahaa Muwaadin dadkiisa iyo dadkisaba jecel, Aabe naxariis badan, Aqoonyahan in-dheergarad ah, Bare qalin maal ah, Barbaarshe arday badan barbaariyay, Waalid Jaarnimo-jacay badan, Walaal hiilimaad badan, Wakiil samaha u taagan, Caalim diinta ku xeel-dheer, iyo Xildhibaan wax badan ku darsaday sal u dhigida xeerarka dalka manta lagu hago.

Taareekh-nololeedkii Marxuunka

Sanadkii 1947-4ii ayuu Allah ha u naxariistee Xildhiibaan/Bare Maxamed Barkhad Miigane ku dhashay magaalada Boorama, waxana uu Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ilaa dugsi-sare ku qaatay isla magaalada Boorama.

Horaanktii 70aadkii ayaa waxa uu AHUN Marxuun/Bare Miigane nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dufcaddii u horaysay ee arday Soomaaliyeed ah eewaxbarasho jaamacadeed dalka gudihiisa ka bilaaba. Kulliyaddii macalimiinta ee Lafoole, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayuu ka qalinjabiyey sanadkii 1973-kiiis aga oo ka mid ahaa kooxdii u horeysay ee ka baxda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Marxuumku Allah ha u naxariistee waxa uu noqday macalin dugsiyada sare ee dalka ka dhiga maadada Bayoolojiga. Waxa uu ka soo shaqeeeyey Dugsiyadda sareee magaalooyinka Muqdisho, Marka, Sheekh iyo Gabiley. Marxuumku waxa uu qayb libaax ka qaatay dejinta manhajka iyo erey-bixinta maadooyiinka sayniska ah, gaar ahaan maadada Bayoolojiga.

Sanadkii 1977-kii ayuu u wareegay dalka Jabuuti oo walaalihii iyo ehel kale oo badaniba ay degan yihiin. Waa baryihii uu dalkaasi xorriyada kaqaatay isticmaarkii Faransiiska isla markaana la diyaarinayay aqoonyahanadii tacliinta dalka hoggaanka uqaban lahaa. Sidaasi darted ayay dawladda Jabuuti deeq waxbarasho ugu dirtay Xildhibaan/Bare Maxamed Barkhad Miigane Jaamacadda Maraykanka ee Bayruut, Lubnaan (American University of Beirut, Lebanon) si uu ugu soo qaato waxbarasho sare.

Markii uu ka soo laabtay Lubnaan, dalka ayuu dib ugu soo noqday, waxana uu bilaabay ganacsi gaar ah oo uu in muddo ah ku soo jiray. Sanadkii 1986-kii ayay koox aqoonyahano ah oo uu marxuumku hormood u ahaa aasaaseen Ururka Samafalka ee GUUS, kaasi oo ka mid noqday dhawrkii urur samafal ee ugu horeeyey ee laga yagleelo guudahaan carriga Soomaalida. Hay’adda GUUS waxa ay gacanka geysatay dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, mashaariic waaweyn oo dhaxal-gal ahna way ka hirgalisay degmooyinka GobolkaAwdal.

Dhinaca siyaasadda, ka dib burburkii dawladdii Soomaaliya, waxa uu marxuumku gacan weyn ka geystay dib-u-heshiisiintii beelaha iyo adkaynta nabadgelyada. Waxa uuka mid noqday xildhibaanadii u horeeyey ee Golaha Wakiilada ee lagu soo xulay shirkii Boorama sanadkii 1993-kii. Sanadkii 2005 ayaa dib loogu soo doortay kursiga Golaha Wakiiladda ee uu hadda ka geeriyooday, isaga oo ka soo baxay xisbigii UDUB, isla markaanna ahaa xildhibaanaddii codka aqlabiyadda ah ku soobaxay. Waxa uu muddo dheer ahaa Gudoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda, guddigaas oo laf dhabar u ah hawlaha baarlamaanka. Muddo 22 sano ku dhaw oo uu marxuumku ka mid ahaa Golaha Wakiiladda ee Somaliland waxa uu muujiyey hab-dhaqan naadir ah kaa si oo salka ku haya bisayl siyaasadeed, aragtiqaan-gaadh ah iyo macaamil hufan.

Dhinaca waxbarashada, marxuunku waxa uu ku suntan yahay dib-u-yagleelka tacliinta sare isaga oo ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay Jaamacadda dalka, gaarahaan, Jaamacadda Hargeysa. Xilalka la duwan ayuu ka soo qabtay Jaamacadda Hargeysa, ilaa maantanna waxa uu ka tirsannaa macalimiinta ugu waayo-aragsan ee loogu jecel yahay Jaamacadda Hargeysa.Muddo afartan sano kor u dhaaftay ayuu Bare sare Miigane Ilaahay ha u naxariistee dadkiisa dhinaca aqoonta ka dhisayay, maskax doodana korinayay.

Shakhsiyadahaan, Xildhibaan/Bare Maxamed Barkhad Miigane waxa uu ahaa qof furfuran oo farxaan ah. Waxa uu ahaa shakhsi lab baladhan oo dabci wanaagsan iyo dad jacayl qalbigiisa biya dhigeen.

Allah ha u naxariistee marxuumku waxa uu ifka kaga tagay laba xaas iyo 11 caruur iyo awlaadda ay sii dhaleen. Ilaahay ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha, dhamaanteenna samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Inaalilaahi Wa-inaa Ilaahi Raajicuun..

Sidii uu u dhacay Aaska Marxuum Proff. maxamed Barkhad Miigane Hood Ka DAAWO.

SomalilamdtodaY/Boorame/Offce

contact@somalilandtoday.com.