DAAWO: “Xildhibaannada WADDANI Ee Yidhi AMISOM Hala Noo Keeno Waa Qaran Dumis” Shir-guddoonka G. Wakiilada

(SLT-Hargeysa) – Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa caddeeyay in Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) aanu kala tashanin qorshaha uu wax ka bedelay xeerkii diwangelinta Muwaadiniinta iyo cod-bixiyayaasha ee Golaha Guurtidu dib ugu celiyey Wakiilada.

 XildhibaannoLabada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo ka hadlayey kulan qado ahaa oo aqlabiyadda Mudanayaasha Golahaasi maanta ku yeesheen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in ilaa la saxo xeerka uu Guddoomiye Cirro shaasheeyay aaney suurtoobeyn in la meel-mariyo komishanka doorashooyinka qaranka, maadaama oo xeerkii ay ku shaqeyn lahaayeenba aanu weli ansax ahayn.