DAAWO: “Waan Dhaleecaynayaa Hadalkii Suldaan Xiiray Ee SONYO”. Badmadow.

(SLT-Hargeysa) – Boqor Axmed Maxamed Xasan ( Bad-madow), ayaa si adag u naqdiyey faro-gelin uu ku eeddeeyey Suldaan xiiray inuu ku sameeyay Doorashada Hogaanka cusub ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Boqor Bad-madow oo Maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa farta ku fiiqay in Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo u si ka baxsan Milgaha Madax-dhaqameednimada uga hadlay kala qaybsanaanta Dallada SONYO, isagoo ka leh dano siyaasaddeed oo uu iskaga horkeenayo Xisbiyada Siyaasadda qaarkood iyo shacbiga Gobolka Awdal.

 

Sidoo kale waxa uu taageeray doorashada hogaanka Shaqada la wareegay ee SONYO, kuwaasoo uu hogaaminayo Cabdicasiis oo ka soo jeeda Beelaha Suladaan Xiiray.

Muqaalka Boqor-Badmadow Hoos Ka Daawo.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Contact@somalilandtoday.com