DAAWO: “Xeerka Diwaan-gelinta, Warqad Wakiilladu Soo Gudbiyeen Ayaa Mugdi Nooga Muuqday” Guddoomiyaha Guurtida

(SLT-Hargeysa) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo markii u horaysay sharaxaad ka bixiyey sababta ay dib ugu celiyeen xeerka Diwaan-gelinta medeniga ah iyo codbixiyeyaasha golaha Wakiillada , ayaa daboolka ka qaaday inaanay gole ahaan dariiqa u xaadheyn cabaqad keeni karta in Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda, kana shaqeynayaan sidii shuruucda loo sixi lahaa.

 ss

Saleeban Maxamuud Aadan oo Isniintii Wariyeyaasha kula hadlay xafiiskiisa, ayaa xaqiijiyay inay Golaha la soo doortay  ee Xeer-dejinta ay  ku celiyeen lifaaqa Xeerka loo soo gudbiyay, taasoo uu sheegay inaanay iswaafaqsanayn xeerkii Golahaasi ansixiyay iyo kan loo soo gudbiyay iyaga.