Waraysigii Tv-ga Caalamiga Ah Ee SKY La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Debadda. Akhriso &-Daawo

London (Somalilandtoday) – Dawladda Somaliland, ayaa markii u horeysay sheegtay wer-werka ay ka qabto cudurka halista ah ee khatarta ku haya adduunku u soo gudbo Somaliland, waxayna sheegtay inay diyaarinayso kooxo khuburo caafimaad ah oo dadka ku baadha Madaarrada iyo Xuduudaha dalka, si looga baaqsado in cudurkaasi soo gaadho dalka.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis oo Magaalada London ugu waramay Telefiishanka caalamiga ah ee SKY News.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya Maalgashi adduunyadu ku samaysato Somaliland, ayaa yidhi “Dadka adduunyada waxaanu ku casuumaynaa inay yimaadaan Somaliland oo nabdoonayd 23-kii sanadood ee u dambeeyay, inkasta oo gobolku qasan yahay”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu jecelahay in la nala arko khayraadka ku jira Somaliland ee Saliidda, Gaasta, Macdanta, beeraha iyo kaluumaysiga, inkasta oo ay jiraan tiro shirkado ah oo daneynaya arrimahaasi iyo horumarinta dekedda markaa aad-baanu u xiiseynaynaa in dadka iyo shirkaduhu yimaadaan Somaliland oo ay maalgashadaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku darey “Dalkayagu Malaha Argagixiso Iyo Budhcad-badeed, Markaa Waxaanu Ku Marti-qaadeynaa Inay Shirkadu Yimaaddaan Oo Maalgashadaan Khayraadkayaga, waayo waxaanu leenahay siyaasad Maalgashi oo wanaagsan”

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo la waydiiyey sida ay uga diyaar-garoobayaan halista cudurka Ebola, ayaa ku jawaabay “Dalalka Afrika iyo guud ahaan adduunku wuxuu ka wer-werayaa khatarta cudurka Ebola, sidaa awgeed waxaanu diyaarinaynaa koox khuburo caafimaad ah, kuwaasi oo baadha dadka dalkayaga ka soo gelaya Madaarrada diyaaradaha, xuduudaha, waayo annaga iyo WHO waanu ka wer-weraynaa (Ebola) markaa waanu samaynaynaa dedaal kasta, si aanu Ebola u iman Somaliland”ayuu yidhi.

 Muqaalka Waraysigii Wasiirka Ee Aanu Idin Turjunay Hoos Ka Daawo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com