Wasaaradda Macdanta Iyo Tamatarka Oo Heshiis La Gashay Shirkad Shidaalka Baadhi Doonta & Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal Oo Ka Hadlay .+SAWIRRO

(SLT-Hargaysa)Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa manta qalinka ku duugay Heshiis laba dhinaca oo ay kala saxeexdeen Shirkada BGP oo ah shirkad Chines ah taas oo Sahamin shidaal ka samayn doonta Gobolada Saaxil iyo Sanaag bilawga Bisha labaad ee sanadkan haddii alle idmo kaas oo la sahamin doono dhul Bedkiisu gaadhayo 700km.


Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Siciid Axmed Jibriil oo arimaha heshiiska faahin ka bixinaya ayaa yidhi{ heshiiskani wuxuu yahay blocks shirkada RakGas ee labada ahaa ayaa shidaal baadhis laga samaynayaa shirkadani waa shirkadii hore ugu guulaysatay inka badan 3000 km oo

sahan shidaal ah soona gabo gaboobayo mashruucaasi bisha jenuary ee aynu ku jiro 27keeda ama soddonkeeda mashruucan danba waxa uu bilaamayaa February.

Wasiirka Wasaaradda Tamrta iyo Macdanta Md.Jamac Maxamuud Cigaal Oo saxeeyay Heshiska ayaa sheegay in Heshiiskani ku hawnayahy inuu noqodo mid waxtar u leh somalilanad .“waxaa ii farxad ah inaan manta qalinka ku duugno oo saxeexno heshiis taariikha ah oo laga yaabo sida ayanu raeynayano wax tar weyn u yeesho dalka somalilanad heshiiskaasii waa heshiis aan ku siinayno kuna heshiino inay shidaal baadhiis ka bilaabaan, qeybo ka mid alabada gobal ee saaxil iyo Sanaa ee block-yadda SL 9 iyo SL 12 labadda baloock in shiidaal baadhis laga bilaabo ayaanu saxeenay, taaso ay maalgalinayso shirkadda RAK-GAS waxaan ilaahay ka baryaynaa in wax wanaagsan oo waxtar u leh wadanka inooga soo saaro, waa bilow waa sahan waxaan rajeynayana oo wasaaraduna u xil saarntahay in la baadho ama wixii suurta gal ah inaba hadii wax shiidaal ahi ku jiraan oo aan ogaano wixii shiidaal ama macadan ku jira ,waana waajibaadka wasaaradda”.

Wasiir Jamac ayaa geesta kale Bulshadda labadda gobal ee Saaxiil iyo Sanaag ku bootiyey in ay si dhow ula shaqeeyaan Mashruucan sahaminta shiidaalka waxaanu yodhi “heshiiskanina waxa uu daba socdaa heshiiskii hore iyo baadhitaan kii hore ee laga waday gobolada Togdheer,Saraar, Daad-madheed,Hawd iyo Maroodi-jeex, waxaanan ka rajaynayaa shacbigaa ku dhaqan deegaanadaas in ay fududeeyaan hawlahaa iyo baadhi taankaas oo lagana yaabo in ay qof walba ugu tagto gurigiisa faa`iidadiisu.”