DAAWO: “Farmaajo Waa Shicib Sabab Aanu U Aragnaa Ma Jirto, Ina Cabdirashiid-na Ismaanu Arag Waayo Umaanu Socon, Nimankaas Waan Is Haynaa Iyagu Waa Dawlad Gaara Innaguna Ka Gooni Ayaynu Nahay, Muuse Biixi Anigu….”Hoggaamiye Xirisi

(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si adag u beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta kuwaasi oo sheegay in kulan Magaalada Nairobi ku dhex-maray Wafti ka socda Xisbiga WADDANI iyo saraakiil ka tirsan dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

image

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu si faah-faahsan u sharaxay ujeedad rasmiga ahayd ee ay u tageen Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isaga oo shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan arrimaha kala fogaynaya shacbiga Somaliland.

Hadalkii Somalia cidba aragtay iyo may arkin Xirsi baa soo xidhay. … “Farmaajo waa shicib sabab aanu ula kulano meeshaba ma oolin, Cumar Cabdirashiid-na maanan arag umanaan socon, Somalia annagoo xilal hayna ayaanu kala kacnay, Shalay maxa naloo tuhmiwaayay markaanu xilka haynay markii Maxamed Biixi xilka hayay, waftiga Kenya tagay annigaa hoggaaminayay, Cirro Nairobi ayuu nagaga sii horeeyay, cidi masoo qaado anniga iyo Maxamed Biixi qolada KULMIYE waxaad moodaysay inay cid gaara xoqayeen oo u jeedeen, waxan leeyahay waxba tarimayso inaynu Qarankeena kala saar saarno, waxay taasi keenaysa oo xoqaysaa nabaro kale oo aan raali galinayn dhinaca kale.. Aynu dalkeena u midawno. “Had iyo jeer doorashooyinku dadka way furfuraan, innaga oo aan doorashooyinba gaadhin inaynu sii furfurano sax maha. Halkaas intaynu imanka isku tuhmi lahayn ee hebelba tagay iyo habelbaa arkay ku mashquuli lahayn, waar waynu is haynaa nimankaasu Somalia ayaa la yidhaahda dawlad gaara ayay leeyihiin innaguna mid gaara ayaynu leenahaye teena aynu ka talino tooda iyagu meeshay doonaan ha kala dhacaane inagu teena aynu ka talino, oo teena wax yeelo hawgaysanin waxan u arkaa runtii dadka ku cel celinaaya ee dadka halka xanuunaysa xoqaaya in ula jeedadoodu tahay ula jeedo xun, oo ay doonayaan inay dalkan Somaliland ku wax yeeleeyaan. Hoos Ka DAAWO Hadalkii Xirsi Cali Xaji Xasan..

 

Somalilandtoday/Hargeysa/Office