DAAWO: Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya Oo Sheegay In Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL U Soo Qoray Warqad Codsiya.

(SLT-Muqdisho) Taliyaha Laanta Socdaalka dalka Soomaaliya Gen: Cabdillaahi Gafow Maxamuud ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha JSL Cali Maxamed Warancadde uu warqad codsiya u soo diray, Sida uu sheeganaayo Mr. Gaafow warqada uu leeyahay way isoo gaadhay ayaa lagu codsanaaya in Dawladda Soomaaliya laanta socdaalku xafiis ka furato Magaalada Hargaysa.

IMG_10EC86-1C9B08-320D1A-D8AACD-5F82E2-341F2B 00000000000000

Gen. Gaafow ayaa sheegay in aanay haboonayn aflagaadadii Wasiir Warancadde ku duray Baasaboorka Soomaaliya, isagoo hana codsigan soo qoranaaya. Taliyaha Laanta socdaalka Soomaaliya oo waraysi uu siiyay Telefeeshinka HCTV arrintaas kaga hadlaaya Hoos Ka DAAWO.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.