DAAWO: Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Cudurka EBOLA

(SLT-London) – Dawladda Somaliland, ayaa markii u horeysay sheegtay wer-werka ay ka qabto cudurka halista ah ee khatarta ku haya adduunku u soo gudbo Somaliland, waxayna sheegtay inay diyaarinayso kooxo khuburo caafimaad ah oo dadka ku baadha Madaarrada iyo Xuduudaha dalka, si looga baaqsado in cudurkaasi soo gaadho dalka.

 Ebola

Sidaana waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis oo Magaalada London ugu waramay Telefiishanka caalamiga ah ee SKY News.