DAAWO: Somaliland Oo Raali-gelin Ka Bixisay Go’aankii Loogu Joojiyey Qoxootiga Soomaalida

(SLT-Berbera) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shirjaraa’id ku qabtay Berbera ayaa sheegay in sababta keentay hakadkii ku yimid dadkii saarnaa markabka ay sabab u tahay masuuliyiinta Soomaaliya oo uu sheegay inay siyaasadeeyeen Qaxootigaasi.

Warka Xukuumadda

Wasiirka oo ka hadlayey sababtii ay markabka dushii ugu hakiyeen Qoxootigaasi muddo kooban ayaa yidhi “Tushuushkii yimid ee Qoxootiga (Qaxootigii Dekedda lagu Hakiyay) waxaa sababteeda leh masuuliyiinta Xamar jooga oo meel aanay xukumin sheegta, oo meel aan siyaasad laga dayin siyaasad ka dayeya ee yidhi qaxootiga shanta kun ah ee saddex kun oo ka mid ah aanu qaabilnay yidhi Annagaa Dekedda Berbera u fasaxnay”