DAAWO: Sheekh Aaden Siiro Oo Deeq Lacageed Qoys 3 Carruur Ah Ku Waayay Dab Gurigooda Ka Kacay

(SLT-Hargeysa) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), ayaa maanta deeq lacageed gaadhsiiyey qoys dhawaan saddex carruur ah ku waayay dab ka kacay gurigii ay ku noolaayeen, kaasi oo ku yaalla Hargeysa.

Sheekh Aaden

Deeqdan Lacageed oo dhan $ 20,90 doolar (Laba kun iyo sagaashan dollar) konton Yuuru iyo lix boqol oo birta Itoobiya ah, taasi oo ay qoyskaasi ugu tabaruceen muwaadiniin reer Somaliland ah oo qurbaha ku dhaqan.