Daawo: Shacabka Talyaaniga Oo Loo Ogolaaday Inay Booqdaan Goobo Mamnuuc Ka Ahaa Dalxiiska.

(SLT-Italy)-Dawlada Talyaaniga ayaa todobaatan sanadood ka dib, markii ugu horaysay, dadka u ogolaatay, inay booqan karaan, goobihii ammaanka hogaamiyihii Faashiga ee dalkaas, Benito Mussolini, loogu talo galay, inuu ka magan galo, duqaynta xulafadii ka soo horjeeday, dagaalkii labaad ee dunida.

Xaruntan oo ku taala, degaanka Loo yaqaano, Villa Torlonia ee magaalada Roma waxa la dhisay, sanadkii 1942-kii, waxaanay ilaa wali tahay sideedi, waxa kale oo ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee dadka caadiga ah loo ogolaado inay booqan karaan.

Somalilndtoday/Hargaysa/Office

Contact@somalilandtoday.com