Ciyaar Yahanada Heerka Caalami Ee Muslimiinta Ah Oo Ku Sii Badanaya Kubadda Cagta.+SAWIRRO

Roma(SLT): Mid ka mid ah laacibiinta u safta kooxda As Roma ee horyaalka dalka Talyaaniga ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu mar kasta gacmaha ku sito kitaabka Qur´aanka Kariimka  xiliyada safarka la raaco Diyaarada dusheeda iyo Basas-ka kooxdiisa .

Mohamed Salah oo kooxda As Roma iyo Qaranka Masar uga ciyaara dhanka Qadka dhexe ayaa waxaa warbixin dheer ka qoray Jaraaidka Corriere Delle Sera waxaana xiddigaan lagu sheegay in uu maalin kasta la safro gacanta ku qaato ugu yaraan hal ama labo Kitaabka Qur´aanka Kariimka ah .

Ciyaaryahan Mohamed Salah oo ahlu Diin lagu sheegay wuxuu sidoo kale caan ku yahay in uu dhulka salaad Sujuudo marka uu kooxdiisa Goolal u dhaliyo , waana Xiddig Sooma maalin kasta oo Isniin ah sida uu shaaciyay Jaraaidka Corriere Delle Sera .

sala_2

sala_1

Somalilandtoday.com/Ceelafweyn-Office.

Cabdiraxmaan ismaaciil Siciid

Contact@Somalilandtoday.com