Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Muj: Xasan Ciise Oo Tallooyin Dhaxal Gal Ah Ku Waaniyay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Xisbiyada Mucaaridka .

(SLT-Hargaysa)Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, isla markaanna ahaa Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR, waxa uu Xisbiyadda mucaaridka Somaliland u soo jeeddiyay inay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u nasteexeeyaan oo mudada hore aannay dhaliil iyo Mucaaridad kula soo deg-degin.

Sidoo kalenna, Md. Xasan Ciise Jaamac waxa uu Madaxweynaha Somaliland u soo jeeddiyay inuu Ummadda Somaliland middaynteedda ka shaqeeyo, isla markaanna wixii dhibaatooyin ah ee Doorashaddii u danbaysay ka dhashay uu shacabka ka bogsiiyo, waxaannu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sifeeyay hoggaamiye qaata talada nasteexa ah, isla markaanna talooyin badan oo uu siiyay si wacan u qaatay. Waxaannu yidhi

“Qolyahan imika jooga ee uu Madaxweyne Muuse Biixi hoggaaminnaayo, iyaganna mid baa Waajib ku ah oo ah in Arrinkoodda iyo Ficilkooddu ku salaysnaataa Middaynta Ummadda, waxaanna ummadda lagu middayn karraa Caddaalad iyo Walaalnimo. Waxan aynu ka hadlayno horraa loo tijaabiyay oo guntii baa la soo xaadhay, adduunku waa waayo-arag, si kale oo ummadda lagu Middayn karraa ma jirto oo aan ka ahayn Caddaalad iyo Walaalnimo. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi maalintii la dhaarinnaayay waan joogay Xafladdii, waxa uu ku balan-qaadday inuu bogsiiyo Nabarradii ka soo baxay Doorashadda iyo qolyihii Mudaharaadka dhiigii daatay, waxaan Xasuusinnayaa in shaqaddiisa ugu horraysaa ay tahay wax allaala iyo wixii dhibaato ka soo baxday Doorashaddii u danbaysay iyo kuwii ka horreeyay-ba iyo gaar ahaan Dhalinyaraddii soo baxday ee Mudaharaadday ee Xabaddu ku dhacday ee Dhaawacmay in boqolkiiba boqol la bogsiiyo, imika inay jirtaba may ahayn, waxaannay ahayd in wax kasta laga horraysiiyo.” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac
“Muuse Biixi waxaan ku aqaannaa Anigu, waxa la odhan jirey oo Maahmaah Soomaaliyeed ahayd “Jid mala martay, Jaddiin Mala Cuntay, Jabad mala degtay”, waxaannu ku badalnay Jabhad Mala noqotay. Jabhadnimada sida la isugu bartaa way ka qaalisan tahay, oo ka qiimo badan oo ka qoto dheer tahay, intii hore ee Soomaalidu sheegi jirtay-ba, waa Xaalad qayrul caaddi ah. Muuse Biixi waan soo taabtay oon goob-joog u ahaa oo aan Markhaati ka ahay innuu talada wanaagsan ee Nasteexa ah qaato, aniga hore ayuu iga qaatay, oo Shirkii u danbeeyay ee Baligubadle oo uu guddoominnaayay ayuu iga qaatay, oo markii dib u habaynta SNM lagu jirey ayuu iga qaatay. Ninkastoo talo nasteexa haya waxaan leeyahay kula dhiirro oo ula tag haddii sidii aan ku aqaannay uu yahay Muuse Biixi wuu qaadanayaa” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac

Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac waxa uu farriin u direy Xisbiyadda siyaasadda Somaliland, waxaannu yidhi “Doorashaddii waatii lagu kala Nasiib qaadday, qolyihii Xisbiyadda mucaaridku waa kuwii aqbalay Natiijaddii doorashadda, Madaxweynaha waa anigii Tahniyadda u diray, kadib markii labaddii Xisbi mucaarid ogollaadeen ee ay sheegeen inay aqbaleen natiijaddii Doorashadda, markaasay waajib noqotay in la Tahniyaddeeyo. Dawladkasta iyo Maamulkasta oo yimaaddaaba inta hore waxa Waajib ah in la garab galo, inta danbe-se waa la naqdiyi karraa, mudada hore-se waxay Xukuumad kastaa xaq u leedahay in loo Nasteexeeyo, in la waanniyo, in si hoose oo aan Warbaahin ahayn wax loogu sheego. Asalkaba Mucaaridnimaddu waa inay noqotaa mid wax dhisaysa ee aannay noqon mid wax duminaysa, waligay-na waan odhan jirey, wakhtigii Ina Cigaal oo aannu Mucaarid ku ahayn waxaan odhan jirey waannu u Nasteexaynaynaa, kuwii ka danbeeyay baan odhan jirey ee wakhtigii Daahir Rayaale, tii u danbaysay ee Siilaanyo ayaan odhan jirey, markaa Mucaaridnimadu waa inay wax dhisaysaa.” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac

Sidoo kalenna, waxa uu ka hadlay Xasan Ciise Jaamac arrinta ku saabsan Muranka Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland, waxaannu yidhi “Xudduud caalamiya ayaa meesha yaalla, waxa weeye in arrintii sidii ahaato Puntland iyo Soomaaliyaba garasho la’aan bay u tahay, waxa weeyaan reer Somaliland way tashaddeen intaasoo doorasho ayaa dhacday, Aftiddii waatii la qaadday, intaasoo Shir qaran baa la qabtay, waxa weeye Puntland waa qayb ka mida Soomaaliya, Walaalaheennaasu haddaanay badheedhayn way badheedhayaanne waxay ahayd inay inna Aqoonsaddaan baynu Waajib igu leennahay, waxa weeye wax gar ah oo xagga Soomaaliya iyo Adduunkaba la innagu haystaa ma jirto, arrinteennu way caddahay, waanna arrin aan muran gelin, waa Bayaan, meeshanna waxa yaalla Xudduud Caalamiya oo dawladdo u dhaxeeyay oo Boqol sannadood yaalay baa jira, markaa in arrintaa Muran laga keennaba maaha, wuxuun bay ka mid tahay dhibaatooyinkan Africa haysta.” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

Waxa kale oo uu Xasan Ciise Jaamac uu baaq Nabaddeed u diray beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanka Dararweyne ee Ceel-Afwayn, waxaannu yidhi “Waxaan jecelahay sidii ay Odayaashii horeba uga hadleen inaan halkan baaq Nabaddeed uga jeeddiyo Beelaha ku dagaaalamay deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel-Afwayn, waxa weeyaan arrin aad iyo aad u Nasiib-darro ah, iyaddoo lagu jiro qarnigii 21aad in laba beelood oo Walaalo ahi ay isku dilaan wax aan Sakaarro ka biirsan oo dhiig ku daato, waa mid aad u Nasiib-darro ah. Adduunkan Dayaxii la dhaafay in wax yarroo wada-hadal lagu dhammayn karro intaasoo qof ku dhintaan waa Caqli la’aan, waa Diin la’aan, waa dhaqan la’aan, wax meesha ku jirtanna maaha, weliba fool-xumadda wayni waxa weeye iyaddoo la heshiiyay oo la is naarsadday in wixii dib loo soo cusboonnaysiiyo waa wax aad innoogu Ceeb ah. Adduunkii oo dhan baa innala yaabay, Ictirraafkii way laalaysaa, dadkii Maal-gashan lahaa way ka cararayaan, waxa la odhannayaa kuwan is cunnayaa innaganna waabay innagu darri oo meesha ku jirta, markaa Walaalayaal waxaan idin leeyahay Caqli ha soo noqdo, Iimmaanku ha soo noqdo, halkaas ha lagu joojiyo Walaalayaal.” Ayuu yidhi Md. Xasan Ciise Jaamac.