Daawo: Madaxweyne Kuxigenka Iyo Waftigiisa Oo Booqday Dugsiga Dhagoolayaasha Burco Iyo Sheekadii Dhexmartay Labada Dhinac

(SLT-Burco)- Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane:Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismacil Saylici Ayaa Mudadii Gaanayd Ee Uu Kusugnaa Magaalada Burco, Waxa Uu Booqasho Gaara Ku Tagay Isaga Iyo Waftigiisuba Dugsiga Dhagoolayaasha Abdo Ayir Deaf School Ee Magaalada Burco, Waxaana Halkaas Madaxweyne Kuxigeenka Iyo Waftigiisaba Kusoo Dhaweeyay , Macalimiinta Iyo Ardayda Dhegoolayaasha, Iyadoona Qaar Kamida Ardayda Dhega Li,i Ay Halkaasi Warbixin Buuxda Ka Siiyeen Waftiga Xaalada Guud Ee Dugsigooda Iyo Waxyaabaha Ka Dhiman Ee Ay Tebayaan, Qudbadii Ardayda Dhegoolayaashu Halkaasi Ka Soo Jeediyeen Ayaa Noqotay Mid Qiiro Galisay Isla Markaasna  Ay Aad Uxiisaynayeen Dhamaanba Masuulyiintii Goobtaasi Ku Sugnaa, Isagoona Madaxweyne kuxeenka iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashaduna Ay Warbixin Taasi Lamida Usoo Jeediyeen Ardayda Dhegoolayaasha Ah, Halkan Ka Daawo Sheekadii Dhexmartay Ardayda Dhegoolayaasha Iyo Madaxdii Booqatay, Warbixintaasi Oo Dhamaystiran.

Wariye: Xabiib Cigge

Somalilandtoday/burco/Office

Xabiibcige@gmail.com